Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhaweyn Ballaadhan loogu sameeyey deegaannada u dhexeeya Caynaba iyo Laascaanood

Laascaanood-19-09-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka kasoo ambo baxay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada laamiga ku teedsan u dhexeeya magaalooyinka Caynaba iyo Laascaanood oo ay dhoobnaayeen shacabka deegaannadaasi.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa si weyn oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Oog, Yagoori, Adhi-caddeeye, Guumays, Tuulo-samakaab iyo deegaanno kale oo waddada weyn ee laamiga ah ku yaalla, waxana halkaas ku qaabilay dadweyne tiro badan oo calanka Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dadweynaha kusoo dhaweeyey deegaannadaas kala duwan socod lug ah la qaatay, isaga oo gacan qaaday madax-dhaqameedkii iyo haldoorkii kale ee halkaas u taagnaa soo dhaweyntiisa, waxana uu u gudbay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu safar shaqo ku joogo.