Xukuumadda oo kormeeraysa goobaha shaqada rayidka

Wasiirka Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL Mudane Mustafe maxamuud cali Bile oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta daah-furay kormeer shaqo oo balaadhan oo lagu samaynaayo dhamaan goobaha shaqo ee waddanka.

Kormeerkan shaqo oo ay wasaaradu fulinayso waxaana looga dan leeyahay kor u qaadida ku dhaqanka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee goobaha shaqada iyada oo laga faa’idaysanaayo talooyinka & warbixinada kormeerayaasha shaqada.

Kormeerkan waxa wajigiisa koowaad lagu bilaabayaa dhamaan goobaha shaqada ee hay’adaha caalamiga ama maxaliga ah ee wadanka ka hawl-gala; waxaana lagu hubin doonaa nidaamka mushaharaadka, heshiisyada shaqada, bixinta cashuuraha ku waajibay mushaharaadka & ruqsada ogolaanshaha shaqada ee ajaanibka.

Ugu dambayn waxa dhamaan goobaha shaqada lagu wargelinayaa in ay u fududeeyaan kormeerayaasha shaqadan qaanuuniga ah ee ay u gudanayaan si waafaqsan qodobada 7-aad, 8-aad & 9-aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah – 31/2020.