Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Munaasibad ay ku qalinjebiyeen 580-Arday oo ka qalinjebisay Jaamacadda Burco

Burco-17-09-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ku qalinjebiyeen 580- Arday oo sannadkan ka aflaxday jaamacadda Burco.

Munaasibadda qalinjebinta oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda jaamacadda, siyaasiyiin, aqoonyahan, haldoor, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale, ayaa si weyn loogu bogaadiyey dhallinyarada maanta aflaxday, waxana lagula dardaarmay inay aqoonta ay barteen uga faaโ€™iideeyeen dalkooda iyo dadkooda.

Ugu horrayn, guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Prof. Ciise Nuur Liibaan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, horumarka ay samaysay iyo sida ay ugu dedaashay inay soo saarto arday ku hubaysan tacliin tayo, isaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay taageerada uu mar kastaba la garab joogo jaamacadda.

Agaasimaha komishanka tacliinta sare, Mudane Ibraahim Amiin Gadiid oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda maanta ka aflaxday jaamacadda, waalidkooda iyo macallimiinta kusoo tacabtay, waxana uu usoo jeediyey inay sii wadaan barashada aqoonta.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu tilmaamay inay ka wasaarad ahaan xil weyn iska saareen sidii loo ilaalin lahaa tayada waxbarasho ee jaamacadaha dalka, si maxsuulka soo baxaya oo arday ahi u noqon lahaa kuwo dhisan oo aqoontooda dunida meel kastaba kaga shaqaysta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda maanta ka qalinjebisay jaamacadda Burco, waxana uu hambalyo u diray cid kasta oo kaalin ku lahayd inay jaamacadda Burco heerkan soo gaadho, waxana uu yidhi,โ€œWaxan hambalyo u dirayaa ardayda qalinjebisay, macallimiintooda, waalidkood iyo intii kasoo qayb qaadatayba, waxa kale oo aan bogaadinayaa Aas-aasayaashii Jaamacadda Burco, waxana ay 12-sano arkayeen halkan aynu maanta joogno.โ€

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay kulliyadaa kala duwan ee ay jaamacaddu ka kooban tahay, isaga dhankiisana guddoomay shahaado Sharaf ay jaamacaddu ku maamuustay.
Wa-bilaahi Tawfiiq