Puntland: Labo qof oo shacab ah oo is-daldalay markii xoolihii abaartu ka dhameysay

Garoowe – (GNA)Ugu yaraan laba qof oo shacab ah oo rag iyo dumar ah ayaa lagu soo warramayaa inay isku daldaeen deegaanno katirsan gobolka Bari ee Puntland, kadib markii ay saameyn adag ku yeelatay abaaraha.

Sida ay sheegeen guddiga gurmadka abaaraha Puntland, labadaan qof ayaa kamid ahaa qoysas xoolahoodii abaarta ka dhamaysay, oo ay ku adkaatay helitaanka waxay nolashooda ku maareeyaan.

“Markii dadkii xoolihii ka dhamaadeen, baddii ka xirantahay maciishadiina sare u kacday, waxay sababtay in dadku isdaldalaan. Inta aan annagu is dultaagnay waa labo qof. Gabadh xaas ahayd oo isdaldalshay oo Baargaal ka dhacday, iyo nin 24 jir ah oo xaas lahaa oo xaaskii u dhashay,”Ayuu yidhi, Shiikh Cismaan Maxamuud oo katirsan guddiga gurmadka abaaraha.

Sheekh Cismaan wuxuu sheegay inay jiraan dad kale oo laga qabtay iyagoo doonayay inay isdaldalaan.

Wuxuu sheegay abaartu inay dadkan ka dhameysay wax kasta oo ay ku noolaan lahaayeen, taasoo uu xusay inay sabab u tahay inay nolosha ka quustaan.

Puntland ayaa kamid ah meelaha abaaruhu aad u saameeyeen, sida guddiga abaaruhu sheegeen, in ka badan hal milyan oo shacab ah ayay abaartu saameysay.

Guddiga abaaraha Puntland waxay sheegeen dhaqaalaha iyo dadaalada ay wadaan in aanay ku filnayn wax ka qabashada baaxada abaarta.

Dhawaan, hay’adda Puntland u qaabilsan biyaha iyo saadaasha hawada waxay sheegtay xilli roobaadka Dayrta inay deegaannada Puntland helidoonin roobab ku filan, taasoo sii abuurtay walaac hor leh.