Arday Dugsi la”aantu Sababtay in ay Buul wax ku Bartaan

Qulujeed ardayda dugsiga Geed-darayle ee degmada Qulujeed ayaa ah arday ka Duruuf duwan dhammaan ardayda dugsiyada Somalilnd marka loo eego goobta ay wax ku hartaan.

Dugsiga Geed-darayle oo ku yaalla deegaanka degmada Qulujeed ee gobolka Awdal, ayay ardaydiisu wax ku bartaan buul caws aan Roob iyo cadceed midna ka celinayn.

Ardaydan oo tiradoodu ka badan tahay boqol arday ayaa ku hamiyaya in ay ka libkeenan guulna ka gaadhaan waxbarashad ay ku gudo jiraan.

Goobtan idiin muuqataa ma aha goob la ootay, bush iyo waab cunto lagu kariyo ama maqaayad lagu qaxweeyo, balse waa dugsi ay wax ku bartaan in ka badan boqol caruur ah oo uu hamigoodu sareeyo, qorshana ay ugu jirto in ay maalin maalmaha ka mid ah noqdaan hoggaamiyayaashii barito.

Dugsigan oo ku yaal degaanka Geed-darayle oo ka tiran demada Quljeed ee gobolka Awdal ayaa masaafo dhan 20-km oo jihada galbeed u jira magaalada Borama

Waa dugsi ka samaysan maryo-alool, ood iyo bac-qaxooti ku timid dadaalka dadka degaankaas oo mustaqbalka caruurtooda ka fikiraya.

Waxana aan meesha ka maqnayn in xilliyada roobka, dabaylaha, iyo milayga Cad-ceeduba ay yihiin caqabad muuqata oo waxbarashada hakad galiya madaama dhismahan cooshada ahi aanu u saamixi karin inay sii wataan Waxbarashadooda.

Gudoomiyaha gobolka awdal Mahamed Axmed Caalim Tiimbaro iyo gudoonka wasarada waxbarashada gobolka Nuuradiin Muuse Cali oo indhaha soo saaray xaalada dugsigani ayaa rajo ku abuuray ardayda iyo dadka deegaankaasi.

Masuliyiintani ayaa sheegay inay ka hawl-galidonan sidii dugsigaasi loogu helilahaa dhisme iyo adeeg dhamaystiran.

Wariye Abdisalan Saha