Somaaliya: 730 carruur ah oo u dhintay saameynta abaarta

Qiyaastii 730 carruur ah ayaa ku dhintay xarumaha nafaqeynta ee Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo, waxaa sidaas Talaadadii sheegtay QM, ayada oo ka digtay in tirada dhabta ah ay intaas ka badan karto, dalkuna ku dhow yahay macluul.

Malaayiin qof ayaa halis ugu jira macaluul Geeska Afrika, oo ay ku jirto abaartii ugu darneyd ee ka dhacda muddo 40 sano ah kadib markii afar xilli roobaad oo aan di’in ay baabi’iyeen xoolihii iyo dalagyadii beeraha.

“Nafaqo-darrada waxay gaartay heer aan horey loo arag,” waxaa sidaas tiri Wafaa Saeed oo ah wakiilka Soomaaliya ee hay’adda carruurta QM ee UNICEF.

“Qiyaastii 730 carruur ah ayaa lagu warramay inay ku dhinteen xarumaha nafaqeynta ee guud ahaa dalka” intii u dhaxeysay Janaayo iyo July, ayey Wafaa u sheegtay weriyayaal ku sugan Geneva oo ay Video kula hadashay ayada oo ku sugan Muqdisho.

“Tani waa wax ka yar boqolkiiba hal carruurta la keenay xarumaha, ee la daaweeyey kadibna laga saaray. Balse waxaan dareemeynaa in tirada intaas ka badan karto, oo dhimaho badan oo caruur ah aan la diiwaangelin.”

Waxa ay sheegtay in 1.5 milyan oo caruur ah – oo kala bar ay da’doodu ka yar tahay shan jirka – ay halis ugu jiraan nafaqo-darro xooggan.
Waxaa kuwaas ku jira 385,000 oo u baahan in laga daweeyo nafaqo-darro ba’an.

QM ayaa Isniintii ka digtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul markii labaad muddo 10 sano ah, islamarkaana waqtiga uu isa sii gurayo si nolosha loo badbaadiyo.

QM waxay kale oo ay sheegtay in 7.8 milyan oo Soomaali ah, ama kala bar dadka dalka ku nool ay wajahayaan baahi heerkeedu gaaray xasarad.