Sh. Cabdirashiid Cali Suufi oo wacdi Diini ah ugu jeediyey garsooreyaasha Maxkamaddaha xarunta booqday Maxkamadda Sare

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex Qaariga weyn Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi iyo culimo kale oo wehelinayay kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku sugnaa.
Guddoomiyaha ayaa ugu horayn Sheekha warbixin ka siiyay geedi-socodka wanaagsan ee Hay’adda Garsoorka iyo sida sannadba sannadka xiga horumar baaxad leh ay ugu talaabsanayso. Geesta kale Sheekh Cabdirashiid ayaa la fadhiistay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in qofku mar walba Ilaahay ku xidhnaado kuna ducaysto in Ilaahay ka nabad-galiyo sharka naftiisa.
Sidoo kale Sheekha ayaa booqday Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Guddoomiyayaasha, Garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha ka hawl-gala Maxkamadahaasi, waxaanu u hoga-tusaaleeyay ahmiyada uu leeyahay Garsoorku iyo sida uu dhammaan dhinacyada nolosha saamaynta ugu leeyahay, waxaanu xusay in haddii Garsooruhu Ilaahay ku xidhnaado, talo saarto, ka cabsado uu bulshadana si hufan ugu garnaqo wanaag badan ku mutaysanayo.
Sidoo kale waxa uu tibaaxay doorka shariifka ah ee Garsoorka, waxaanu hoosta ka xariiqay milgaha uu ku suntanyahay ee gaadhsiisan in haddii Garsooruhu cadaaladda ku dedaalo Janno ku mutaysan karo, cagsigeedana naar ku gali karo haddii uu ka gaabiyo hawlahaa uu bulshada ugu suntanyahay. Sheekha ayaa sidoo kale ka waramay ahmiyada uu bulshada u leeyahay Garsoorku iyo kaalinta uu ku jiro.
Gunnaanadkii waxa uu Garsoorayaasha ku booriyay in ay si maalinle ah Ilaahay uga baryaan in uu yaqiinta waafajiyo isla markaana cadaaladda ku sugo. Si gaar ah waxa uu ugu ishaaray in ay ku ducaystaan isla markaana Ilaahay ka baryaan in aanu Rabbi SWT u wakiilan naftooda ee Ilaahay SWT arrimahooda u soo bandhigaan.
Ugu danbayna Sheekha iyo culimadii la socotay waxa ay ku soo wareegeen qaybaha kala duwan ee Maxkamadaha.
Waxaanu uga mahadnaqay soo dhawynta fiican ee loo sameeyay isaga iyo culimada la socotay. Waxa kale oo uu la dhacay shaqada wanaagsan ee baaxada leh ee ka socota Maxkamadaha isagoo ku bogaadiyay isla markaana u duceeyay in Ilaahay ku garab-galo hawshaa culus ee ay hayaan.