Xoghayaha Guud ee Cusub ee Xisbiga KULMIYE oo la Wareegay Xilka

Hargeysa 05/09/2022 – (GNA) – Guddoomiye ku-xigeeka 1aad KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee xisbiga iyo Xoghayihii hore.

Xaflad kooban oo xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE loogu sameeyey maanta xilka wareejinta labada Xoghaye, waxa ka qaybgalay xubnaha sarsare ee hoggaanka xisbiga oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, Ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen, ku-xigeenka 3aad Md. Xuseen Aadan Cadde, Ku-xigeenka 4aad, ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, ahna Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Md. Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee xisbiga Md. Cali Maxamed Cali, Xoghayaha Garabka Haweenka ee heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Horumarinta Beeraha Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdixakiin Siciid Bustaale, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Md. Liibaan Ismaaciil Buraale, Guddoomiyeyaasha xisbiga KULMIYE ee Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag, xubno ka kala tirsan tirsan golayaasha Dhexe iyo Fulinta ee xisbiga, haweenweynaha xisbiga, garabka dhallinyarada iyo marti sharaf kale.

Xoghayihii hore ee xisbiga KULMIYE Md. Ibraahim Axmed Raabbi oo xafladda xil-wareejinta hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Xoghayaha cusub, isla markaana xilka ay la kala wareegayaan ka mid yahay hannaanka dimuqraadiyadda ee ka dhex jirta xisbiga KULMIYE. Waxa kaloo uu u mahadceliyey guud ahaan bahwaynta KULMIYE ee ay soo wada shaqeeyeen oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha Qaranka, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga.
Xoghayaha cusub ee xilka la wareegay Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey Xoghihii hore xilka uu ku wareejiyey iyo sida hoggaanka, hawl-wadeennada iyo taageerayaasha xisbigu ugu soo dhaweeyeen xilka uu u igmaday Guddoomiyaha xisbigu.

Xoghaye Faysal waxa uu ballanqaaday inuu dadaal badan ku bixin doono gudashada waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu xoogga saari doono sidii uu u sii dardargelin lahaa hawlaha shaqo ee xisbigu ugu diyaargaroobayo doorashooyinka soo socda.

Ugu danbeyn, Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE ahna Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo Xilka ukala wareejiyey labda masuul ayaa u mahad celiyey Xoghayihii Hore, Soona Dhaweeyey Xoghayaha cusub , waxaanu sheegay in Isbadalka Masuuliyiinta iyo isku wareejinta xilalku ay tahay dhaqan dimuqraadiya oo xisbiga KULMIYE caan ku yahay.