Xukuumadda Somaliland oo ka arrinsanaysa sidii Qorshe loogu sameyn lahaa saddex magaalo oo waa weyn

Waxa magaalada Hargeysa lagu qabtay kulan lagu gorfaynayay u diyaar garowga qorshe magaaleedka magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.

Dhawaan ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer si rasmiya looga daahfuri doona qorshahan la doonayo in qorshe magaaleed laga sameeyo, magaalooyinka kor ku xusan, kaas oo qayb ka qaadan doona bilic soo celinta.

Kulankan oo ka qabsoomay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa goob joog ka ahaa wasiiradda wasaaradda arrimaha gudaha, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha iyo duqa caasimada Hargeysa, maareeyaha hay’adda madaarada Somaliland.