Markab Dagaal oo Turkigu leeyahay oo gaadhay Israa’iil

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku soo xidhay deked ku taalla Israel, taas oo ah imaanshihii ugu horeysay ee markab noocaan ah muddo toban sano ka badan, iyadoo xiriirka xulafada Mareykanka uu soo hagaagayo kadib markii khilaaf xooggan oo la xidhiidha qadiyadda Falastiin uu ka dhex aloosmay.

Markabka Kemalreis ayaa gaadhay dekedda Haifa Sabtidii isagoo qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyada NATO ee badda Mediterranean-ka, sida uu sheegay sarkaal Turki ah.

Sarkaal u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in Ankara ay u gudbisay codsi horudhac ah oo ku aaddan in shaqaalaha markabka inay kasoo degaan xeebta.

Mas’uul ka tirsan dekedda Haifa ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo markab ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga uu kusoo xirto tan iyo 2010, markaas oo xiriirka laba geesoodka ah uu burburay kadib markii Israa’iil ay weerartay kolonyo gargaar ah oo Falastiiniyiin ah oo isku dayay inay jebiyaan go’doominta Marinka Gaza.

Toban qof oo Turki ah ayay ciidamada badda Israa’iil ku dileen dhacdadaas.

Labadan dal ayaa u jiheystay inay hagaajiyaan xiriirkooda bilihii la soo dhaafay, waxaana la filayaa inay dhawaann soo magacaabaan safiiro cusub.