Xukuumadda Somaliland: Ma jirto deeqo waxbarasho oo Soomaaliya naloo soo mariyaa”

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixisay warqad qoraal ah oo ay dawladda Soomaaliya baahisay, taasoo ay ku shaxaysay qoondada ay maamul-goboleedyadeeda ugu qaybisay deeq waxbarasho oo ay ka heshay dawladda Masar.

Sida lagu muujiyey shaxda qoondada ah ee ay baahisay xukuumadda Muqdish, ayaa waxa lagu sheegay in deeqdaas waxbarasho somaliland ka heshay 25 Qof, taasoo ay kala siman tahay saami ahaan maamullada Puntland, Banaadir iyo maamul-goboleedyada kale ee hoos-yimaada.

Hase yeeshee, Dawladda Somaliland ayaa caddaysay in aanay haba-yaraatee ka dalban, ka doonayn, danna aanay ka gelin kaalmo waxbarasho oo Soomaaliya loo soo mariyo, hore iyo dibna aanay taasi u dhicin.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiim Siciid Muuse (Bustaale) oo ugu waramay warbaahinta dawladda Xafiiskiisa, ayaa wax laga xumaado iyo siyaasad-xumo ku tilmaamay warqada lagu faafiyey barahaha bulshada ee ka soo baxday Soomaaliya, taasoo uu caddeeyey in aanay ahayn mid ka turjumaysa baahi ka timi ama ku salaysan doonista Somaliland.

“runtii waxaan u aragnaa warqadaasi qorshe la’aan iyo siyaasad xumo maamulka muqdisho ka jirta. sideedaba dawladda Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dawladdood oo kala madaxbanaan. waa laba dal oo jaar ah. deeqaha waxbarasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland u baahan yahay maaha kuwa qaranku ka martiyo ama marti u ah maamulka Muqdisho.

Somaliland deeqaha waxbarasho waxay toos ugala xidhiidhaa dunida, waxaanay heshiisyo dawladdeed ka wada galaan iskaashiga waxbarashada, hadday noqoto deeqaha waxbarasho iyo hadday noqoto fursadaha kaleba”ayuu yidhi.

Halkan ka Daawo Muuqaal: