Dallada Hay’adda Caalamiga ah ee Somaliland oo war ka soo saaray been abuur laga sameeyey

Dallada ay ku bahoobeen Hay’adda samo-falka caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland ee la yidhaahdo Somaliland NGO Consortium, ayaa beenisay jiritaanka musawir khaldan oo ay sumcad dil ugu gaysteen Hablaha Somaliland, waxaanay dalladu sheegtay in si khaldan loo turjumay warbixin shebekad caalami ah ka diyaarisay abaaraha geeska Afrika.

Warsaxaafaddeed ay soo saareen dalladani, ayaa waxay ku cadeeyeen in aanay haba-yaraatee warbixintaasi wax meel ka dhac ah loogu geysan gabdhaha Somaliland iyo kuwo kale toona, hase yeeshee lagaga hadlay saameynta ay abaartu ku keentay nololsha iyo waxbarashada Hablaha.

Halkan ka Daawo Muuqaal warbixinta: