Somaliland:Saddexdii bilood ee u horeeyey sanadka Toban Milyan oo Facebook ayaa la jabsaday

Hargeysa(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay sababta ay gacantooda ugu soo celin waayeen degelkii ay ku lahayd wasaaraddu mareegta Facebook-ga oo muddo dhowr bilood ka soo wareegtay la jabsaday, kaddib lala wareegay maamulkeeda.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka Tiknoolajiyada Somaliland oo maanta ka furmay Magaalada Boorama, ayaa sheegay inay Kiiska soo celinta mareegta wasaaradda ay gacanta ku hayso shirkadda Facebook, qaybteeda caawinta macaamiishu, kaddib markii ay wasaarad ahaan toos ula xidhiidheen shirkaddaasi.

Dr. Cabdiwali ayaa tilmaamay in toban milyan oo Ciwaan Facebook la jabsaday saddexdii bilood ee sanadkan u horeeyey, isagoo soo xiganaya xog ay baahisay mid kamida shirkadda qaabilsan ammaanka shabakadda Internet-ka oo magaceeda la yidhaahdo BARAFO.

“Beryahan waxa wasaaradda daba socotay Boggiinii Facebook xaggee ku og tihiin? Sida ay qortay Baraafo oo kamida shirkaddaha ugu waaweyn dhinaca ammaanka saddexdii bilood ee sanadka ugu horeeyey Toban Milyan oo Facebook bog (Pages), ayaa la jabsaday, markaa tobankaa milyan ayuu kamid ahaa degelkii facebook-ga ee Wasaaraddu waa marka koowaad.

Mar labaadka wasaaraddu iyadoo ilaalinaysa hab-dhaqanka wanaagsan iyo hab-xirfadeedka waxaanu marnay hab-raaca shirkadda Facebook-ga la maro marka lagaa jabsado (Meta Facebook ), waxaana gacanta ku haysa shirkadda qaybteeda caawinta (Facebook Supporter).

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wada wuxuu intaa ku daray “Dad badanbaa nala soo xidhiidhay oo naga dalbaday in ay naga caawiyaan, laakiinse maadaama aanu nahay hay’ad dawladdeed gacan saddexaad marna maannaan yeellin, waana sida xirfadu na farayso”ayuu yidhi.

Wasiirku waxa kale oo cadeeyey in wasaaraddu aanay baahida mareegtaasi u dabranayn oo ay leedahay degello kale oo ay xogta ku baahiso “Dadka na dhaliilayaa waa laba qaybood oo kala ah qaar waxan fahamsan oo garanaya nidaamka la marayo iyo wakhtiga ay qaadan karto xalinta arrintaasi iyo dad dhalinyaro ah oo aan wixii aqoon u lahayn, markaa waxaan leeyahay hawshaasi way socotaa. Waa run way raagtay, laakiinse in nidaamkaas la maraa waa mid sharci ah, wasaaradduna iminka boggag kale (Pages) way leedahay”ayuu yidhi Wasiir Suufi.

Hadalkan wasiirka, ayaa Ka sekow jawaabta uu ka bixiyey dareenka ku saabsan jabsashada bogga Wasaaradda, ayaa xambaarsan xog muhiim ah oo digniin u ah bulshada Somaliland ee  isticmaasha mareegaha lagu xidhiidho, khaasatan kuwa baraha bulshada ee Facebook kamid yahay oo uu adeegsigoodu xad-ka-bax yahay, saameyn kala duwan ku yeeshay hab-dhaqanka iyo nolosha dadka.

Waxa uu muujinayaa in haddii bilowgii sanadkan tirada intaas le’eeg ee bog la jabsaday ay khatar ku jiraan boqolaalka malyan ama ka badan ee ku xidhan Shirkaddaasi,sidaasi darteed ay muhiim tahay in laga taxadiro xogta lagu kaydsanayo iyo tan laysugu gudbinayo ee xaasaasiga ah oo aan lagu talax-tegin in macluumaad sir ah laysugu diro.