HAYAANKII HILOWGA ARWAAXDA: Buug Bandhiggiisa La Wada Sugayo oo Kulmiyey Saxaafadda Somaliland

Habeenka Jimcuhu soo galayo, taariikhduna ku beegan tahay 2-da September, 2022, waxa Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa lagu soo bandhigayaa Buugga HAYAANKII HILAWGA ARWAAXDA oo uu Qoray Allah ha u naxariistee Suxufigii iyo Macalinkii Ruug-caddaaga ahaa Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ka mid ahaa Suxufiyiintii Kaalintia weyn ka soo qaatay geeddigii Horumarka Saxaafadda kala duwan ee Somaliland.

Buugga oo xambaarsan Qisooyin iyo Dhacdooyin waayahooda wata kana mid ah qayb ka mid ah noloshii uu soo maray Marxuum Cabdiweli, ayaa si taxane ah hore ugu soo bixi jiray Wargeyska Ogaal muddo haatan laga joogo 12-sanno ka hor.

Muuqaalka Hoose waxaanu idinku soo gudbinaynaa Qaar ka mid ah Bahda Saxaafadda Somaliland iyo Macalimiin ay soo wada-shaqeeyeen marxuumka, kuwaas oo ka sheekaynaya muhiimadda macluumaadka uu buuggu xambaarsan yahay.