Xisbiga UCID oo soo bandhigay mawqif kiisa ku aadan talo soojeedintii guddida dhexdhexaadinta

Hargeysa -(GNA)Xisbiga UCID, ayaa soo dhaweeyay taladii ay soojeediyeen guddida ganacsatada ah ee isku xilqaantay xal u helista khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay taageeraan talada ay soojeediyeen guddida ganacsatadu ee ah ‘in laysa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada ee Somaliland’.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu usoojeedinaynaa bulshada Somaliland, culimo awdiinta, ganacsatada, urrurada bulshada, dad waynaha, shuyuukhda, haweenka in la taageero go’aankaa ama soojeedintaa ay soojeediyeen xubnahaasi” .

Faysal ayaa dhanka kale ugu baaqay golayaasha sharci dajinta in ay meel mariyaan soojeedinta guddida, xili uu ka cabsi qabo in xildhibaanada qaar oo taageero u haya urrurada cusubi, ay ka maagaan meel marinta soojeedintan.

Waxaanu yidhi.”Baarlamaankana waxaan leeyahay haday taasi maanta inaga katibto, xildhibaano ahaan maysaan, mid kastaaba tuuladiisa ayuu ku noqon doonaa, dadka gaajoonaya ee cashuur tooda mushaar laydinka siinayo uma fadhiyaysaan”

Madaxweynaha ayuu sidookale ugu baaqay in uu taageero u muujiyo soojeedinta guddida.

Waxaanu yidhi. “Madaxweynaha waxan leeyahay guul taasaa kugu danbayse, jaaniiska ka faa’iidayso guruub kaaga amar ku sii, in ay bahalkaa sii daayaan”.

Wali xukuumadda Somaliland iyo xisbiga WADDANI, toona may caddayn mawqif kooda ku aadan soojeedinta guddida, balse qaar kamid ah urrurada cusub oo uu ugu horeeyo urrurka Horseed ayaa kasoo horjeestay soojeedinta guddida.