Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo kulan la qaatay Hay’addaha UN-ta ee Fadhigoodu Yahay Somaliland

Hargeysa -(GNA)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaarta, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan xubnaha guddidu ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta u saraysa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Fadhigoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee abaarta dalka ka jirta sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha gurmadka abaarta, waxaana kulanlkaasi la iskula qaatay in la sii libin laabo gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaartu saamaysay iyo in meel looga soo wada jeedo arrimaha la xidhiidha gurmadka abaaraha dalka.