Hargeysa: Guddi Beelaha Harti ah oo Shaaciyey go’aan Ururka SPP ay kalsooni ku siiyeen

Guddi isxilqaantay oo ka soo jeeda Beelaha Harti ayaa Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay in beelahaasi ku midoobaan ururka SPP, kaddib markii uu dhexdhexaadin iyo iskaashi diidday guddoomiyaha ururka WAABERI oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag.
Guddoomiyaha Guddidaasi Ibraahim Ducaale Cawke iyo xubno kale oo kamida guddida isxilqaantay, ayaa ka waramay muddadii ay ku soo dhex jireen hawlaha dhexdhexaadinta labada urur iyo hogaankooda, waxaanay sheegeen inay laba bilood soo wadeen sulux iyo sabaalo siyaasaddeed oo ay isugu dhaweynayaan labada dhinac.

Waxa ay sheegeen in hogaamiyaha Ururka SPP iyo dhigiisa Waaberi kalsooni siiyeen markii ay qorshaha bilaabayeen, balse markii ay muddo shaqeynayeen ee ay iyaga dhexdoodu ka baaraan-degayeen arrimaha ay ku midayn karaan labada urur, talaabadii labaad ee ay go’aanka ku soo saari lahaayeen uu ka diidday inuu kalsooni u saxeexo Guddoomiyaha Ururka Waaberi Cabdirisaaq Ataash, halka guddoomiyaha ururka Shacabka Somaliland Dr. Saleeban Xaglo-toosiye ogolaaday, taasina ay bariiqasho ku keentay xaajadii ay bilaha xaawilayeen.

Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo aqoonyahanka guddida ah ee iskood isu xilqaamay, waxa ay go’aankooda ku gororiyeen in hogaamiyaha Ururka WAABERI ku noqday hor iyo daba diid, fashiliyeyna taladii waxgaradka iyo aqoonyahanku ku doonayeen inay ku mideeyaan masiirka xisbiyeed ee talada waddanka lagu gaadhi karo “sidaas awgeed annagu waxaanu bulshada Somaliland u sheegaynaa oo aanu beelaha harti u sheegaynaa in annagu aanu garanay oo ay nala noqotay in la dhiso oo xoog iyo xoolaba aanu ku dhisno Ninkaas maanta ogolaaday taladii aanu wadnay, ninka na diiddayna waxaanu leenahay waddadu waa balaadhan tahay”

DAAWO: