Erdogan oo safar dhulka ah ku galay Ukraine xilli uu dagaal socdo

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa markii ugu horraysay tagay Ukraine tan iyo markii uu billowday dagaalka.

Erdogan ayaa markii hore diyaarad ku tagay magaalada Rzeszow ee dalka Poland, balse waxa uu safar dhinaca dhulka ah uga gudbay xadka, isagoo usii tallaabay dhinaca Ukraine.

Madaxweynha Turkiga ayaa adeegsaday waddada tagta magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, isagoo hoggaaminayay wafdi.

Safarkiisa ayaa kusoo beegmay xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyadoo dadka soo barakacayna ay usii gudbayaan dhinaca Poland.

Lama soo tebin wax caqabad ah oo uu kala kulmay safarka dhulka ee uu ku galay Ukraine.

Erdoğan waxaa wehlinayay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, wasiirka tamarta iyo kheydaarda dabiiciga ah, Fatih Dönmez, wasiirka difaaca qaranka, Hulusi Akar, wasiirka beeraha Vahit Kirişci, wasiirka ganacsiga Mehmet Muş iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladdiisa.

Erdoğan ayaa qasriga Pototsky ee ku yaalla magaalada Lviv kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in ay wadajir ula kulmaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Sida uu qorshuhu yahay, Erdogan, Zelenskiy iyo Guterres ayaa qaban doona shir jaraa’id.

Erdogan ayaa u muuqda in uu labada gacmood ku kala hayo Ukraine iyo Ruushka oo uu hadda ka dhaxeeyo dagaal culus oo saameeyay caalamka oo dhan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa horay ugu safray Ruushka, isagoo lasoo kulmay madaxweynaha dalkaas, Vladimir Putin.

Inta badan hoggaamiyeyaasha kale ee dunida ayaa la kala safan labada waddan ee is haya.

Waxaa taas sii dheer in Turkiga uu xubin ka yahay isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee NATO, kaasoo khilaaf wayn uu kala dhaxeeyo Ruushka.

Turkiga iyo Ruushka ayaa wadaaga xiriir iyo wadashaqayn dhow oo dhinacyo badan taabanaysa, gaar ahaan dhinaca difaaca.

Xiriirka ganacsi ee ay wadaagaan labada dal iyo maalgashiyada uu Ruushku ku samaysto Turkiga ayaa muujinaya sida ay Moscow ugu badbaadday Ankara xilli ay caqabad kala kulmayso cunaqabataynta caalamiga ah.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Erdigan ayaa dhammaan dalalka kale ee xubnaha ka ah NATO uga duwan in aysan hirgelin cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka.

Hase yeeshee, Turkiga ayaa dhanka kalena diyaaradaha uusan duuliyaha saarnayn ku caawiyay ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka. Erdogan ayaa marar badan oo hore khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Zelenskiy.

Siyaasad ahaanna, Ankara, ayaa door dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay dagaalka ka dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.