William Ruto oo ku guulaystay xilka madaxtinimada Kenya

Gudigga Doorashooyinka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in WILLIAM RUTO uu ku guulaystay Madaxtinimada Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenkii 11aad ee dalka Kenya, ayaa kursiga madaxtinimada kaga adkaatay Hogaamiyaha Isbahaysiga adag ee uu taageerayey madaxweyne Uhuuru Kenyata iyo laba musharax oo kale.

Guddida Doorashada dalkaasi ayaa khilaaf soo kala dhex galay daqiiqadihii u dambeeyey ee hubinta natiijada doorashadii qabsoontay Salaasadii.

Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii dalkaasi, ayaa hogaaminayey isbahaysi awood badan oo taageero weyn ka haystay bulshooyinka dabaqada hoose ee dalkaasi, waxaana guushiisu wax weyn ka bedelaysaa hannaankii madaxtinimada dalkaasi loogu loollami jiray oo ahayd mid qoomiyado gaar ah ku tartami jireen.

Ninkan ayaa ku ololleeyey dareenka danyarta iyo dabaqada hoose ee dalkaasi, taasoo u sahashay guusha taariikhiga ah.