Waakuma Madaxweynaha Loo Doortay Hogaaminta Dalka Kenya William Samoei Ruto?

Wuxuu sanadkii 1966-dii ku dhashay deegaanka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wuxuu iskuulka aadi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da’da 15.

Wuxuu waddooyinka deegaan miyi ah oo ku yaalla Rift Valley ku iibin jiray digaagta iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay “nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Kenya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

Wuxuu siyaasadda Kenya kusoo biiray sanadkii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasadda uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Mr Ruto wuxuu xubin firfircoon ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii Kanu ee Moi, wuxuu sidoo kale kamid ahaa dadkii loo xil saaray ololihii loogu codeynayay in Kenya ay axsaab badan yeelato sanadkii 1992.

Waa nin aftahan oo awood leh kaas oo si weyn usoo jiita quluubta dadka ka qeybgala isu soo baxyadiisa siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa inuu si wanaagsan ayuu hadallada usoo gudbiya marka uu wareysi siinayo warbaahinta.

Wuxuu sanadkii 1990 shahaadada koowaad ee culuumta seyniska ka qaatay jaamacadda Nairobi, wuxuu markii dambe shahaadada labaad iyo midda PHD ka qaatay isla jaamacadda Nairobi.

Waxaa sanadkii 1997 loo soo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaa laga soo doortay Waqooyiga Eldoret, xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladda Kenya, waxaana ugu muhimsanaa in mar noqday wasiirkii waxbarashada iyo wasiirka tacliinta sare.