Xisbiyada mucaaridku maxay ka dhaxli doonaan siyaasad-xumaddooda

Faallo

Qore. Saleeban Kalshaale

Shalay maanta maaha, beritona waa maalin kale, meertada maalmuhuna way socdaan oo meel qudha uun ma taagna talaabo kasta oo geediga nololsha la xidhiidha ama hadba wadciga taagan ku saabsanina wuxuu leeyahay fursad lagu  guurro oo ku haboon, sidoo kalena qumana in milay tegay sahankiisii lagu hayaamo ee waxa sax ah in hubsiimo iyo fiirro loogu noqdo xaaladaha isbedelay, si loogu jaan-gooyo baahida doonista iyo caqabadaha ku gedaaman.

Sidaas darteed, jamhuuriyadda Somaliland waxa bilihii la soo dhaafay ilaa iminka ka aloosan khilaaf ku saabsan qaabka iyo qorshaha loo gelayo doorashooyinka wakhtigoodu isku dhaw yahay ee madaxtooyada oo muddaysan 13 November iyo doorashada ururrada siyaasadda oo ku beegan 25 December ee sanadka 2022. Labadaas doorasho mid waliba waxay leedahay miisaankeeda iyo culayskeeda , waxaanay u baahan tahay diyaar-garow iyo gogol-xaadh lagu jaan-gooyo qorshe iyo jadwal shaqo hubantida qabsoomideeda xaqiijinaya wixii qadarta eebbe ka sokeeya.

Doorashada Ururrada

Sida la wada ogyahay Doorashada furida ururrada siyaasadda hawlgalkeedu wuxuu bilaabmay bishii June, waxaanay ka soo bilaabantay magacaabista iyo shaqo-gelinta guddida diwaangelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka, waxa ku xigay diwaangelinta ururrada cusub ee ay aasaaseen muwaadiniinta kala duwan oo tiradoodu ku dhowdahay soddon, isla markaana wali diiwaankoodu furanyahay ilaa laga gaadhayo tobanka bishan August oo ay laba maalmood inaga xigto (10/08/2022), markaasoo uu xidhmay diiwaanka ururradu, loona gudbayo wajiga labaad ee jaran-jarooyinka xeerku dhigayo ee ka horeeya doorashada tooska ah, sida qiimeynta iyo hubinta shuruudaha ururrada cusub ku waajibka ah marka la aasaasayo.

Marka laga hadlayo Doorashadan ururrada shaqadeeda socotaa waa mid maalinle ah ama tubtii agaasinka qaaday oo aan marna hakad gelin, kuna sii durkaysa inay wakhtigeeda ku qabsoonto oo codka iyo sanduuqa la gaadho bisha December. Waayo? Durba aasaaseyaasha ururrada cusub, waxay isu nidaamiyeen hanaankii uu xeerku farayey, maalin walba qaar kamida ayaa bixiya lacagta cashuurta. Sidoo kale waxay doorteen qaab-dhismeedkii hogaamintooda ku-meel-gaadhka ah, waxaanay talaabooyinkaasi muujinayaan heellannaan iyo ka go’anaanshiyo siyaasiyiinta qayb kamida oo waliba tirada ugu badnayd ahi inay halgan iyo hawlba ugu jiraan inay noqdaan saddexda xisbi ee siyaasadda dalka hogaamin doona tobanka sannadood ee soo socda.

Waxa hubaal ah oo aan qofna dafiri Karin in ururrada cusub qaybtood ka baaxad iyo taageero badan yihiin qaar kamida saddexda xisbi qaran ee saaxadda loogu yimi, isla markaana haddii berito loo dareerro doorashooda ay godka ka saarayaan xisbiyada ay ka taggoogta iyo tunka weyn yihiin, taasina waa mid kamida asbaabta loo jideeyey in tobankii sannadoodba mar dabarka laga furo daneeyayaasha hogaanka siyaasadda dalka si loo helo wajiyo cusub, hogaamiyeyaal cusub iyo hay’addo lagu doortay barmaamujyo isbedel.

Waxa kale oo iyaduna xaqiiqo jirta ah, in jamhuuriyadda Somaliland bulshaddeedu laba qaybood tahay xilligan:

Qayb la haysata oo wali baaqi ku sii ah xisbiyadda qaranka ee hore u jiray iyo qayb u guurtay gelbiska iyo gole-keenka ururrada deegaanka siyaasadda ku soo kordhay, qaybtaasoo ka kooban aasaaseyaal, daneeyayaal iyo taageerayaal isbedel doon, waana qayb huwan ah oo ay karti iyo tamar cusubi riixayso, doonaysana inay darka xisbinimada dhakhso u gaadho. Waa qayb kamida muwaadiniinta JSL oo mug iyo miisaan leh, diyaarna u ah inay dood, dareen iyo dariiqyo kaleba ku muquuniyaan cid kasta oo ka hor-timaada damaca iyo rabitaanka siyaasaddeed ee u bilowday, waxaana xusid mudan in qadiyadda furrida ururrada, iyadoo marka horeba wakhtigeedu soo aaddanaa, haddana ay muwaadiniin dhowr iyo labaatan xubnood ahi dacwad ay ku dalbanayaan u gudbiyeen Maxkamadda dastuuriga ah, taasoo keentay inay maxkamaddu fasaxdo in aan Doorashada ururrada loo dabrin goleyaasha Deegaanka ee lagu sidkay doorashadii golaha Wakiillada, qodobkaasoo ahaa gool muhiim ah oo si xeel iyo xarrago leh looga dhaliyey xisbiyadda qaranka ee garoonka ku ciyaarayey.

Sidoo kale, kooxaha aasaaseyaasha Ururradu waa kuwo diyaar u ah inay difaacdaan xuquuqda doorashadoodda, haddii iminka miidaanka lagu dirqiyo oo ay mucaaridku diiddaana awood weyn ku biirinaya xisbiga Kulmiye ee u ogol tartanka ururrada, arrintaasoo ah hal-xidhaale adag  ku ah saaxadda.

Doorashada madaxweynaha

Doorashada madaxtooyaddu waa dhab oo iyadaa ka soo horaysa mida ururrada ee xawaaraha ku socota, waxaanay ku beegantahay 13 November oo ay innaga xigto wax ka yar boqol maalmood, inay ku qabsoomayso wakhtigaas iyo in kale wali warkeedu ma cadda. Sidoo kale inay  labadan doorasho midkood oo ah ururraddu xawli ku socoto, ta kalena noqoto gacan uur ku jirta, maaha qorshe ku yimi doonista xisbiga Kulmiye, xukuumadda iyo madaxweynaha, Hase yeeshee waa xaalad ka dhalatay duruufo kala duwan oo gedaaman,qayb weynna ay ku leeyihiin xisbiyadda mucaaridka ee qaylada iyo buuqa siyaasaddeed fagaaraha la taagan tan iyo markii furrida ururrada siyaasadda foosheedu soo dhawaatay.

Hubinti la’aanta qabsoomida doorashada ee November waxa bilow u ahaa khilaafkii komishanka doorashooyinka ee sababay in la bedelo xubnihii hore iyo dhamaystir la’aanta guddida cusub ee ay saddexda xubnood soo celiyeen golaha Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin labada xisbi ee Waddani iyo UCID, iyadoo ay ahayd inn120 Cisho ka hor oo ku beegnayd bishii Jully 12-keedii inay komishanku cayiman jadwalka Doorashooyinka soo fool leh, balse taasi warkeeda la soo dhaafay.

waxa intaas dheer wakhtiga gaaban ee ka hadhay doorashada madaxtooyada iyo diyaar-garow la’aanta dhinac walba leh,taasoo ina tusaysa in dib-u-dhac ku yimaada doorashadaasi uu khasab yahay, haddii taasi timaadana waddada keliya ee furani waxay tahay in madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa muddo-kordhin loo sameeyo, kaddibna loo hawlgalo qabsoomida doorashada tooska ah ee xisbiyadda.

In sidaasi ay wax u dhacaan waa qaddiyad ay cuqdad iyo cabasho xadkeedii dhaaftay ka qabaan WADDANI iyo UCID,  hase ahaatee waa mid ay ku leeyihiin door-weyn imaanshiyaheeda, walina u gogol-xaadhayaan in lagu sii waarro oo ay xataa doorashada xisbiyaddu raagto, waxaana isweydiin mudan sababta ay iyagoo og in madaxweynaha haddii wakhtigiisu dhamaado golaha Guurtidu u kordhin karaan mar iyo laba jeerba, wallow aanu dareen noocaas ah ka soo bixin isaga (Madaxweynaha) iyo golaha guurtida toona , isla markaana haddii la gaadho bisha December aanay saddex xisbi sheegan karin xisbiyo qaran, haddana ay lugta u qabteen guddidii doorashada ee ay xildhibaannadoodu codka kalsoonida siin waayeen, sidoo kalena uga war-wareegayaan inay hoos uga soo degaan mowqifka doorasho madaxtooyo-doonka ah ee ay ku dhegsan yihiin. Ma waxay doonayaan inay 13 November marka la gaadho ay madaxtooyada galaan doorasho la’aan? taasise ma tahay wax dhici kara? Waa maya.

Waxa kale oo isweydiin mudan maxay saaxada siyaasadda uga raadinayaan fursadaha laga soo gudbay wakhtigoodii, isla markaana ugu goodinayaan abaabulka mudaharaadyada, iyagoo og in haddii ay taageerayaashoodu isugu soo baxaan dibad-baxyo ay ururr-siyaasaddeedyada cusubina abaabuli karaan kuwo ka soo horjeeda, taasoo abuuri karta khalkhal nabad-gelyo iyo isku-dhacyo shacbi oo khasaare keena?

Maxay isu diidsiinayaan inay xukuumaddu maanta dhex u tahay iyaga iyo tobanaanka urur-siyaasaddeed ee saaxadda ku soo biiray oo in loo ogolaado mudaharaad inay qabsadaan keenayso inay ururraduna dalbadaan fasax ka soo horjeeda?

Waxa marag ma doon ah in dhamaan ficillada jar-iska xoornimada ah ee ay labada Xisbi mucaarid ku hawlan yihiin ceel gun-dheer ku ridayaan rejadooda mustaqbalka, sababsana doonaan taladooda iyo xeelladaha ay isticmaalaan.

Waxaana maskaxda iyo maanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ka dhex guuxaysa siyaasadda WADDANI iyo UCID miyey dhaafi wayday mudaharaad, jawaabteedana waxa laga sugayaa hogaamiyeyaashooda siidhiga iyo sal-sallowga la taagan fagaareyaasha oo haddii aanay wax ka bedelin siyaasad-xumaddooda ka dhaxli doona guul-darro.

Xigasho: Wargeyska Dawan