Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo baaq u diray shacabka iyo mucaaradka


Hargeysa -(GNA) Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan, mucaaradkana usoo jeediyay in ay dabaqaan sharciga.

Wasiirka beeraha Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in Somaliland sharci ku dhisantahay, madaxweynuhuna doorasho ku yimid, doorashana ku tagayo, isla markaana in cayimida mudada doorashadu ay tahay masuuliyada guddida doorashooyinka.

Waxaanu yidhi.”Dadwaynow sharciyo ayaynu ku dhaqmaynaa, xukuumad ayaynu nahay, waynu is daba joognaa, waa qori isku dhiib, cod ayuu ku yimid Muuse Biixi Cabdi, codna wuu ku baxayaa”.

Waxa uu intaas ku daray. “Xeer number 91 faqradiisa 1-aad wuxuu leeyayay koomiishanka ayaa cayimaya xilliga la qabanayo doorashooyinka”.

Wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa isna dhankiisa mucaaradka ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga, isaga oo waydiiyay haddii ay maanta ilaalin waayaan sida ay berri u ilaalin doonaan haddii ay madax noqdaan.

Waxaanu yidhi.”Xisbiyada mucaaradka waxaanu u sheegaynaa bini adamka iyo xayawaanka waxa u dhexeeyaa waa xeerka iyo nidaamka iyo kala danbaynta, dalkani waa dalka aad doonaysaan in aad berritoole xukuntaan, hadaydaan sharcigiisii maanta ilaalinayn, berri sideed umada kale u xukumaysaan”.

Xubnaha kale ayaa iyaguna hadalo kuwan la mid ah u jeediyay shacabka iyo mucaaradka Somaliland.