Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay xaalada Boocame

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda JSL Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore oo shir jaraa’id  qabtay ayaa ka hadlay xaaladda deegaanka Boocame oo todobaadkii hore ay Ciidamada qaranku si nabad-gelyo ah ku gaadheen, laguna soo dhaweeyey wefti ka socda maamulka gobolka Sool.

Mudane Koore, waxa sheegay in shacbiga deegaankaasi si niyad sami iyo heellanaan leh ay u soo dhaweeyeen Ciidanka iyo weftiga dawladda ee booqday, isla markaana aanu jirin wax dagaal oo ay ku qabsadeen halkaasi.

Wasiirka ayaa cadeeyey inay xukuumadda Somaliland sidii looga bartay u taagantahay oo aanay hore iyo hadda toona diyaar u ahayn inay qaado guluf colaaddeed oo cid kale ka dhan ah, waxaanu ka cudur-daaray eeddeymo iyo qadaf ka soo yeedhay maamulka Puntland.

Halkan ka Daawo Muuqaal: