Soomaaliya: Maxbuus xabsi ku jiray oo kamid noqday Golaha Xukuumadda cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyey liiska golaha wasiirada ee xukuumad uu ugu magac daray “Xukuumadda Dan Qaran”, xilli muddo bil iyo dheeraad ah laga sugayey.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa ku jira wasiirka awqaafta iyo diinta Mukhtaar Roobow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana muddo ka badan saddex sano iyo badh u xidhnaa dowladda federaalka, tan iyo bishii December 2018.

Roobow ayaa waxaa xilligaasi laga soo xiray magaalada Baydhaba kadib markii dawladda Soomaaliya ay ka hor istaagtay inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Xidhitaankiisa ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal keenay inay magaalada Baydhaba ku dhintaan dad ka badan toban qof.

Roobow ayaa isku soo dhiibay dawladdii hore bishii August 2017-kii. Mukhtaar Roobow ayaa Maraykanku xayiraaddii uu saaray ka qaaday bishii Juun 2017-ka.

Wasiirada kale ee la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah; Senator Saalax Axmed Jaamac oo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, halka Maxamuud Doodishe loo magacaabay wasiirka amniga gudaha.

Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi, halka Gaashnaadhigga dib loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Faarax Cabdulqaadir ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, ayada Abshir Cukar Haruuse loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda. Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa isna loo magacaabay wasiirka qorsheynta.

Liiska xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda. 22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda.