Maraykanka oo ka digay weerraro kale oo ka dhaca Itoobiya

Mareykanka ayaa ka digay in kooxda Alshabaab ay u badan tahay inay qorsheynayaan weeraro kale oo ay ka geystaan Itoobiya, bilaha soo socda.

Ku dhawaad 500 oo dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa todobaadkii hore markii ugu horeysay u gudbay bariga dalka Itoobiya, iyaga oo xuduudka kula dagaalamay ciidamada Itoobiya.

Maraykanku wuxuu sheegay inay Alshabaab gudaha u galeen Itoobiya ilaa 150 kiiloomitir ka hor inta aan la joojin.

“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay jabiyeen duullaankan,” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend, oo ah taliyaha xilka ka tagaya ee Taliska Mareykanka ee Afrika, mar uu la hadlayay waaxda difaaca Maraykanka.

Hal sano ka hor ayay ahayd markii amiirka al-Shabaab Axmed Diiriye uu ku baaqay in xoogga la saaro weerarrada dibadda iyo in la kordhiyo bartilmaameedyada reer galbeedka ku sugan Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay xog sirdoon oo ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, Al-Shabaab waxay haysataa inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalame, waxayna ku kharash garaysaa 24 milyan oo dollar sannadkiiba.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay al-Shabaab ka shaqaynaysay ugu yaraan hal sano.