Masuuliyiin ka socda Degmada Danood oo Buuhoodle ku qabtay shir lagaga hadlay nabadgelyada

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Danood ee gobolka Wardheer iyo saraakiil kale, ayaa shir ku saabsan nabadgelyada kula yeeshay cuqaasha  magaalada Buuhoodle.

Cabdifataax Cismaan Xirsi iyo masuuliyiinta la socday ayaa cuqaasha kala hadlay adkaynta nabadgelyada ee soohdinta, isla markaana inay kala shaqeeyaan hay’addaha amaanka.

Cuqaasha iyo weftiga ayaa iska waraystay xaalada deegaankaasi, gaar ahaan dhinaca amaanka.

Waxa ay isku afgarteen in si buuxda looga shaqeeyo amniga iyo horumarinta xarunta Buuhoodle, qaybta Dawlad-deegaanka Soomaalida.