Alshabaab kale oo la sheegay inay xadka Itoobiya u talaabeen

Maleeshiyooyin ka tirsan Al-Shabaab ayaa abaabullo ka wada xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Itoobiya, saacado yar un kaddib markii ciidanka gaarka ah ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ku dhawaaqeen inay guul ka gaareen dagaalkii socday maalmihii la soo dhaafay.

Dowlad-deegaanka ayaa dhankeeda ciidamo badan gaysay xadka Soomaaliya sida uu sheegay telefishinka dowladda Itoobiya (ETV).

Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in la soo afmeeray wejigii koowaad ee howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Gobolka Afdheer oo xad la wadaaga gobolka Bakool ee Soomaaliya waxaa maalmihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex maray ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali lagu raad-joogo qaar ka tirsan maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee galay gudaha deegaanka Soomaalida.

Ma jiraan ilaa hadda faah-faahinno ka soo baxaya maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida oo sharraxaad ka bixinaysa khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo haddii ay jiraan maxaabiis dagaal.

Dhanka kale, waxaa jirta feejignaan sare oo la galiyay hay’adaha ammaanka ee Dowlad-deegaanka kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xadka deegaanka Soomaalida uu la wadaago gobolka Hiiraan ay ka soo tallaabeen mintidiin ka tirsan Al-Shabaab oo damacsan in ay gudaha u galaan deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay arrintaas.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay u sheegeen in dagaalyahanno lagu qiyaasay 200 ay ka tallaabeen dhanka gobolka Hiiraan, isla markaana ay u ruqaansadeen dhanka Itoobiya.

“Markii aan dadka waydiinnay waxay noo sheegeen in ilaa 200 oo nin ay ku dhow yihiin [tiro ahaan],” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo kuwa Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Muuqaallo  lagu baahiyay baraha bulshada ay ku xiriirto ee internetka ayaa la arkayay dadweynaha deegaanka oo ciidamada gaarka ah ee Liyuu booliska ku taageeraya cuntooyin iyo biyo.

Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo ku sugnaa maalmahan gobolka Afdheer ayaa xalay ku dheelmaday magaalada Goday ee xarunta gobolka Shabeelle.

Mas’uuliyiinta Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa horay u sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib howlgallo saddex maalmood ka socday gudaha gobolka Afdheer.

Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen Arbacadii in ay dileen ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis kaddib weerar “dhif” ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan.

Weerarka ay Al-Shabaab ku qaadday Deegaanka Soomaalida waxaa cambaareeyay Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Dowlad-deegaanka. Sidoo kale, cambaareynta waxaa qeyb ka ahaa Maxkamadda Shareecada, iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Dhamaantood waxay muujiyeen in ay si weyn uga xun yihiin arrintaas.