Xukuumadda Somaliland oo faahfaahisay sababaha BBC-da loo xidhay

Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha loo xidhay Idaacadda BBC-da Laanta Afka Soomaaliga oo shaqadii laga joojiyey.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo soo saaray qoraal ka kooban laba bog, ayaa sharaxaad ka bixiyey khaladaadka ay Idaacaddaasi ka gashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiirku inay BBC-du ka baxday dhexdhexaadnimada warbaahineed, isla markaana ficilo kale oo lidi ku ah qaranimada JSL ku kacday.

 

No photo description available.No photo description available.