Hogaamiyeyaasha Ururrada Siyaasadda oo Afhayeen u xushay Guddoomiye Saleeban Xaglo-toosiye

In ka badan labaatan Urur-siyaasaddeed hogaamiyeyaashooda, ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Hargeysa, waxaanay samaysteen madal ay ku mideeyeen arragtidooda doonista furida ururrada siyaasadda oo ay asxaabta mucaaridku dalbanayaan in laga dib mariyo madaxtooyada oo u mudeysan 13 November 2022.

Madashan ayey afhayeen ugu doorteen Guddoomiyaha Urrur-siyaasaddeedka Shacabka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye). sidoo kale waxa ay xoghaye u doorteen masuul kale oo kamida hogaamiyeyaasha Ururrada.

Xubnaha kulanka ka qaybgalay waxa kamid ahaa guddoomiyaha aasaaseyaasha ururka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo xubno kale.

Halkan ka Daawo Muuqaal: