Siyaasiyiin uu  hogaaminayo Maxamuud Xaashi oo ku dhawaaqay Urur-siyaasaddeed cusub

Waxa maanta magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeed loogu wan-qalay KAAH, kaas oo ka mid noqday liiska tobaneeyo urur-siyaasadeed oo dalka laga aasaasay  tan iyo markii  xukuumaddu shaaciyey inay furan yihiin ururrada Siyaasadda ee Somaliland oo tobankii sanno-ba hal mar la furo.

Urur-siyaasadeedkan oo uu hoggaaminayo siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore uga mid ahaa xisbiga Kulmiye iyo siyaasiyiin kale oo miisaan ku leh dalka, ayaa waxa lagu shaaciyey munaasibadda  ay ka qayb-galeen siyaasiyiin, madax-dhaqameed, xildhibaanno, dhalinyaro iyo Haween.

Munaasibada waxa iska iska xaadiriyey oo inay ku biireen ka shaaciyey xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo intooda badani ka tirsanaa asxaabta hadda jirta, iyadoo dhinaca kalena madasha ay mowqifkooda ku biritaanka ururkan ka sheegeen xubno xilal muhiim ah ka haya xisbiyada, khaasatan UCID.

Halkan ka Daawo Muuqaal: