Hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka oo la kulmay Ergayga Finland ee Geeska Afrika

Hoggaanka Sare ee Labada Xisbi Mucaarad ee JSL ee UCID iyo WADDANI ayaa maanta hadhimo sharafeed iyo kulan xog-warran ah la qaatay Ergayga gaarka ah ee Dawladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadeynta & dhexdhexaadinta ee Geeska Afrika.

Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa warbixin waafi ah ka siiyey Ergeyga xaaladda guud ee dalku marayo, caqabahada ka taagan ismaan-dhaafka siyaasiga ah ee Xukuumadda & Xisbiyada Mucaaradka ah, sida oo kale warbixinno kala duwan ka siiyey Xaaladda dhaqaale ee dalku marayo oo ay ugu mudan tahay sicir bararka naafeeyey nolosha muwaadiniinta iyo abaaraha ka jira dalka meelo ka mid ah.

Ugu dambeyn Ergaygu waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah la wadaagay aragtida Dawladda Finland ee arrimaha Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan.