Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Xaalada Siyaasaddeed ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu qabtay deegaanka Dararweyne, ayaa ka hadlay xiisada siyaasaddeed ee dalka ka jirta, khaasatan arrimaha muranka Doorashooyinka oo maraya marxalad digriigii ugu sareeyey gaadhsiisay xaalada siyaasadda dalka.

Biixi ayaa arrimahan ka hadlay  maalin afkiisa iyo talaabooyinka uu qaadayo si weyn loogu dhegtaagayey, iyadoo laga dhawraya mowqifka uu iska taago natiijo la’aanta ay ku dhamaadeen wadahadalladii u socday Mucaaridka ee todobaadyada la sugayey oo ay maalintii shalay hogaamiyeyaasha mucaaridku rejo la’aan ka muujiyeen.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey mowqifkiisa ku wajahan waxyaabaha laysku hayo, kuwa laysku mari waayey iyo farqiga muwaaqiifta isaga iyo mucaaridka u dhexeeya, waxaanu difaacay arrimaha waaqiciga ah ee ku salaysan geedi-socodka siyaasadda dalku halkay marayso.

Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa asxaabta mucaaridka u jeediyey talo iyo waano ku saabsan wadciga iyo waayaha siyaasaddeed ee dalku marayo.

Halkan ka Daawo Muuqaal: