Somaliland: Dallada SONSAF baaq culus ka soo saaray Khilaafka Siyaasaddeed

Dallada Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa soo saartay baaq la xidhiidha khilaafka siyaasaddeed ee arrimaha Doorashooyinka Somaliland, waxaanay tallooyin u jeedisay Madaxweynaha iyo Asxaabta Qaranka.

Warsaxaafaddeed ka kooban hal bog oo lagu daabacay mareegaha Dallada talaada maanta, kaddib markii ay natiijo la’aan ku dhamaadeen wadahadalladii u socday madaxweynaha iyo asxaabta Mucaaridku, ayaa waxa dallada SONSAF ku sheegtay in muranka siyaasaddu ragaadiyey dalka oo uu daboolay xaaladaha bina-aadaminimo ee ay bulshadu la daalaa-dhacayso, gaar ahaan xaalada Abaarta iyo sicir-bararka maceeshada.

SONSAF, waxay walaac ka muujisay natiijada ka soo baxday wadahadalladii u socday daneeyayaasha Doorashooyinka oo waxba isku af-garan waayey, waxaanay ku talisay in aan miiska wadahadalka lagu kala tegin ee ay dhinacyadu xal deg deg ah gaadhaan.

Waxa burburay Wada-hadallo iyo waan-waan la doonayey in lagu xalliyo khilaafka doorashooyinka Furista Ururrada Siyaasadda Iyo Madaxtooyada ee Somaliland ka taagan.

Xisbiyada Mucaaradka ah Somaliland ee kala ah UCI iyo WADDANI iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Xisbiga KULMIYE, ayaa Bilihii u dambeeyay oo dhan isku khilaafsanaa Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada Ururrada siyaasadda ta soo horraynaysa, waxaana arrintaasi dhexdhexaadin ka galay Madax-dhaqameed iyo Waxgarad is-xil-qaamay, kuwaasi oo ku guulaystay inay isa soo hor-fadhiisiyaan labada dhinac, arrintaasi oo martay Afar wareeg oo kala dambeeyay, aakhirkiina ku soo dhamaatay in Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida loo daayo inay xalka kama dambaysta ah ka gaadhaan khilaafka, taasoo iyaduna maxsuul keeni wayday.

SONSAF, waxay beyaankeeda ugu dirtay baaq Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay u jeediyeen inuu dalka ku wado dulqaad iyo hogaamin debecsanaan leh.

Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan:May be an image of text