Somaliland: Kulankii madaxtooyada oo baaqday maanta

Wararka ka imanaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in uu saaka baaqday kulankii guud ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland.

Kulan ay aroortii hore ee saaka yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada ayaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo kulanka maanta si arrinta khilaafka loo sii gorfeeyo xalkeeda.

Warar ayaa sheegaya in Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada oo arrinta dhexdhexaadinta hogaaminayey ayaa la sheegay in khilaaf soo kala dhex galay, kaddib markii ay isku mari waayeen qaabka loo soo saari doono go’aanka lagu xalinayo Khilaafka.

Lama oga waxyaabaha sida rasmiga ah laysula waafaqsan yahay ama heshiiska lagu yahay, hase yeeshee waxa muuqata inay labada dhinacba doonayaan inay soo baxaan qodobo taageerayaashooda u cuntama.