Faddeexada Anjannete DeCarlo iyo Fooxa Somaliland

Faddeexada Anjannete DeCarlo iyo Fooxa Somaliland..Xog xambaarsan arrimo muhiim ah

Anjanette DeCarlo waxaa lagu helay khiyaamo ay deeq malaayiin dollars ah ku lunsatay iyo been abuur cad oo ay ka sheegtay fooxa SOMALILAND in ay cuduro ku dhaceen

Sheekadan Fooxa Iyo gabadhan la yidhaa Anjanette DeCarlo waxaan u ahay xogogaal, waxaanan ka mid ahaa dadkii si aad ah ula socday arimaheeda tan Iyo xiligii ay wadanka timid waxay isku darsatay damac dhaqaale Iyo been cad oo la fashiliyay, ka dibna markii la ogaaday dambigaa ay ka gashay wadanka la mastaafuriayay.

Anjanette DeCarlo waa kadaabad, qoraaladeeda Iyo waraysiyadeeda ay imika bixisaaa waa cadho ka kacday mastaafuriskaa laga mastaafuriyay SOMALILAND ka dib markii lagu helay dembiyo kala duwan oo ah inay lacag malaayiin oo ay hay’ado la yidhaa Doterre iyo lush ay kaga soo qaadatay in lagu horemariyo ganacsiga fooxa Iyo dadka degaanka fooxu ka baxo deedna

Ajendaha qarsoon ee ay shirkada Doterra u soo dhiibtay ama u xil saartay gabadha Anjanette DeCarlo ayaa ahayd in shirkadaasi ay keli ku noqoto suuqa Beeyada Somaliland ka dib markii ay arkeen dakhliga badan ee ay sanadkii 2017 oo kaliya ka heleen fooxa SOMALILAND oo sidaynu soo sheegnay ahayd lacag dhan $4.2 Billion, sida ku cad warbixintaa ay shirkadaasi qoraalka ku cadaysay, warbixntaa oo laga helayo warbaahintooda Iyo warbaahinta caalamka ee kala duwan

Anjanette waxay bilawday fara gelin qaawan iyo dagaal cad si ay meesha uga saarto ama uga tuurto meesha shirkadihii SOMALILAND ee ka ganacsanay beeyada

Halkan ka daawo reer Sanaag oo ka qayliyay arinkan fooxa, ahna arin ay dhaqdhaqaajiyeen dad isu xilqaamay inay qarankooda ilaaliyaan oo si toosa wararka ula wadaagayay dawlada SOMALILAND

Halkan ka daawo horumarka beenta ee ay shirkadaasi tidhi waanu ka samaynay gobolka Sanaag.

Halkan ka daawo shirkadii Dottera oo diiday in suaalo ku saabsan fooxa ay Somaliland ka iibsato iyo horumarka dhaqtarada iyo iskuuladu ku jiraan ee ay sheegeen inay ka hir galiyeen Somaliland, siiba gobolka Sanaag

Gabadhan Anjanette DeCarlo waa gabadh ku caan ah inay wadamada Africa khayraadkeeda si sharci daro ah ula wareegto. Waxay Somaliland timid iyadoo siday lacag malaayiin dollar ah oo loogu talo galay in lagu wanaajiyo ama lagu horomariyo ganacsiga fooxa oo ah mid aduunku aad u iibsado iyagoo u isticmaala waxyaalo kala duwan oo ay u horayso in loo isticmaalo daawo ahaan Iyo in laga sameeyo cadarada ugu badan ee caalamka laga isticmaalo. Lacagta waxaa kale oo loogu tala galay in dadka degaanka fooxu ka baxo loogu dhiso iskuulo, dhakhtaro Iyo ceelal biyood. Gabadhani isla markiiba waxay damacday lacagtii, dabadeedna waxay bilowday in dacaayado ka faafiso fooxeena oo ay tidhaa fooxa SOMALILAND waxaa ku dhacay cuduro dilaa ah oo wax yeelaya cidii iibsata.

Ka dib baadhitaano dhamaystiran iyo xog wadaag ay dawladu samaysay, waxay dawladu siisay digniin ahayd in ay joojiso dacaayadaha ka dhanka ah fooxa SOMALILAND, isla markaana ay lacagta ku fuliso mashaariicdii loogu talo galay ee ay iyadu lafteeda Iyo shirkada lacagta bixisay ay qoraalo ugu soo gudbiyeen dawlada SOMALILAND, laakiin waxay dhegaha ka furaysatay digniintaa la siiyay oo ay hawleheedii Iska sii wadatay ka dhanka ahaa fooxa SOMALILAND.
Ka dib waxaa lagu helay dembi khiyaamo lacagtaa gargaarka ah ee aynu sheegnay Iyo been abuur cad oo ah in fooxeenu buko ama cudur ku dhacay ahaydna arin khalkhal dhaqaalaha SOMALILAND gelin lahaa hadaan la Iska qaban.

Dawladdu waxay go’aansatay in gabadhaa ay dalkeeda ka mastaafuriso si abadiyan ah oon soo noqosho lahayn. Sababta mastaafuriskuna ay ahayd sidaa aan kor ku sheegnay ee ah ka dib markii ay si khaldan u isticmaashay lacagaha deeqaha ahaa ee ay ka heleen shirkadaha caanka ah ee la yidhaa Doterre iyo lush oo ah shirkadaha Somaliland ka iibsada xabagta Beeyada oo iyaga laftoodu dhiig miirato ah ku iibsada beeyada qiimo aan cadaalad inaba u dhawayn oo ah wax ka yar 6 ama 7 dollars per kilo, halka caalamka halkii kilogram lagu kala iibsado inta u dhaxaysa 700 ilaa 800 boqol oo dollar.

Shicibku waxay si wada jir ah u soo dhaweeyeen una hambalyeeyeen go,aanka mastaafurinta ah ee dawladda SOMALILAND gaadhay runtiina ahayd tallaabo wanaagsan oo sax ahayd

Dakhliga shirkada DOTERRA ay ka faaiiday fooxa Somaliland sanadkii 2017 oo kaliya waxaa uu ahaa lacag dhan $4.2 Billion.

Maamulaha guud ee dōTERRA ayaa cadeeyay in lacagta loogu tala galay in bulshada degan aaga fooxu ka baxo loogu deeqay ay ahayd lacag malaayiin dollar, lacagtaas oo loogu tala galay in lagu horamariyo bulshooyinka degan gobolka sanaag laguna dhiso dugsiyo waxbarasho iyo rugo kala duwan oo daryeel caafimaad ama dhakhtaro ahaa qaar si aad ah looga baahnaa aagaasi fooxu ka baxo.

Lacagtaa deeqda ahayd ayaa waxaa la bixiyay lacag hordhac ama horu marin ah oo dhan 3.3 milyan doolar, lacagtaas oo loo soo dhiibay gabadhaa Anjanette DeCarlo oo masuul ka ahayd shirkadahaa lacagta bixiyay, lacagtaas oo noqotay noqotay ta damacu ka galay Anjanette DeCarlo aakhirkiina ay iyadu qaadatay.

Arinka cusub ee qoraalka gabadhu qortay ee ay ku eedaynayso Barkhad Hasan mooji wax ka jira laakiin waxaan u malayn inuu la xidhiidho khikaafkaa ka kacay lacagahaa loogu talo galay horumarka gobolka sanaag Allahu yaclam, waxaanse ogahay oo la sheegay in gabadha ay dacwadi kaga socoto shirkadaa lacagta bixisay ee ay beenta ka sheegtay dhakhtarka Iyo iskuulada beenoobay

W/Q. A Yasin Jama

Gobanimonews

Hargeisa Desk