Sh. Aadan Siiro oo ku geeriyooday Hindiya

Allah naxariistiisa Janno haka waraabiyee waxa maanta dalka Hindiya oo uu xaalad Caafimaad u joogay ku geeriyooday Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaanno Geyiga Soomaalida.
Eebbe naxariistii Janno haka waraabiyo, Sheekh Aadan-Siiro dhowrkii todobaad ee u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jiray cusbitaal ku yaalla magaalada Hydrabad, ayaa u geeriyooday xannuun dhinaca Kelyaha ah oo uu dhowrkii sanno ee u dambeeyey la il-darnaa.

Marxuumka ayaa ka mid ah culimada magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, gaar ahaan Somaliland, waxaanu hormood u ahaa ee u dhaq-dhaqaaqa Danaha Guud ee bulshada iyo taakuleynta dadka baahan.

Geerida Marxuumka waxa ka hadlay Madaxda Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan Hoggaanka Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, dhambaal tacsi ah oo uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yidhi, “Waxaan shacabka reer Somaliland, dadka Soomaalida ah iyo umadda muslimiinta ahba ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo goor dhaweyd ku geeryooday dalka Hindiya.

Shiikha waxa lagu xusuusta inuu qayb ka ahaa dib u dhiskii dalka, sidoo kalena waxa uu ahaa samafale inta jilicsan u kaalmeeya kana war haya, si gaar ahna waxa uu xoogga saari jiray ilaalinta iyo ka hadalka caddaaladda, farista samaha iyo reebista xumaha.
Waxaan Shiikha Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, dembigiisa dhaafo, kana abaaliyo khayrkii iyo samafalkii uu inta badan ku hawllanaa. Si gaar ah, waxa aan ugu tacsiyayanaa qoyska iyo qaraabada Shiikha.”

Sidoo kale, Dhambaal Tacsi ah oo ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu yidhi, “Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) isagoo ka wakiilka ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo Laamaha kala duwan ee xisbiga waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska iyo shacabka reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday dalka Hindiya caawa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh caalim ah oo diinta Islaamka uga faa’iideeyey dadkiisa, nin deeqsi ah, samafale la dareen ah dadka nugul, muwaadin jecelaa qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo inuu mar walba hormood u ahaa danta guud.

Ugu dambayn waxa uu Alle uga baryayaa Marxmuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin…Aamiin.”

Maamulka iyo hawl-wadeennada warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa ka hadlay geerida Marxuumka oo ay ku tilmaameen Shaqsi kaalin muhiim ah ugu jira wax-tarka iyo horumarinta adeegyada Bulshada.
“Allah Naxariistii Janno haka waraabiyo oo Jannooyinkiisa ha ugu deeqo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro). Ehlu-Diin, Samafale, Hoggaamiye, Dad-yaqaan iyo Run-Yaqaan Qaranka ka baxay ayuu ahaa.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyaddii iyo Kaalintii uu bulshada ugu jiray Allah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla dalka Hindiya.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Sheekh Caalim ah oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay nabadeyntii iyo Dib-u-dhiska dalka isla markaana waxtar iyo taageeraba ka geysan jiray Dadka Jilicsan, waxaanu madaxweynuhu marxuumka Ebbe uga baryey inuu naxariistiisa Janno ugu deeqo, dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhambaal Tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14/07/2022, dalka Hindiya.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka, garabna siin jiray bulshada jilicsan, sidoo kalena doormuhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa ahaa qof Samofale ah oo dalka ka waday hawlo badan oo bina-aadamanimo, waxaanu gacanta ku hayey mashaariic badan oo dadka siyaabo kala duwan loogu caawiyo.