Wadahadallada Mucaaridka iyo xukuumadda oo maalintii labaad qabsoomay

Wadahadallada u dhexeeya Xukuumadda iyo asxaabta mucaaridka ee la xidhiidha khilaafka Doorashooyinka, ayaa ka qabsoomay maalintii labaad qasriga madaxtooyada.

kulanka ayaa lagu sii ambo qaaday qodobadii lagaga wadahadlay kulankii hore.

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay kulanka, hase yeeshee qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook ee qasriga madaxtooyada ayaa lagu yidhi sidan: “Wejigii labaad ee wada-hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka, ayaa maanta qabsoomay, waxana loo ballamay inay halkaa kasii socdaan, wejiga saddexaadna maalinta berri la isugu soo noqdo”

Kulanka ayaa qabsoomay maalin kaddib markii madaxweynuhu qasriga ku qaabilay qaar kamida hogaamiyeyaasha ururrada Siyaasadda oo kala hadlay qabashada doorashada ururrada.