Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay dab ka kacay Buuralayda Sanaag

Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka horumarinta Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Wasiir ku-xigeenka Hawlaha guud Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay dab maalmihii la soo dhaafay ka socday buuralayda gobolka Sanaag, gaar ahaan Buurta Gaacidh.

Dabka ayaa ku fiday dhul badan oo degsin ah, halkaasoo ah meelo go’doon ah oo aanay gurmadka gaadiidku geli karaynin.

Masuuliyiinta Xukuumadda ee hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha uu sababay dabkaasi.

Halkan ka Daawo Muuqaal: