Wasiirka Maalgashiga oo soo xidhay shir lagu lafo-guray Xeerka iyo Siyaasadda wadaagga Ganacsiga ee dawladda iyo shacabka ‘PPP’

Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa lagu soo gabagabeeyey kulan wada-tashi ah oo lagu falanqeynayey qabyo-qoraalka 1aad ee xeerka wax-wada-lahaanshiyaha Somaliland (Public, private partnership) oo ay diyaarisay wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha oo sidoo kale qabanqaabisay madasha lagu daah-furay mashruucaasi oo ahmiyad weyn u leh qaranka, dooddiisuna socotay muddo laba maalmooda.

Kulankan oo la soo gabagabeeyey maanta oo Axad ah waxa ka qaybgalay dhamaan Hay’adda dawladda ee ku shaqada leh arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, shirkaddaha Ganacsiga, aqoonyahanno iyo daneeyayaasha  maalgashiga, kuwaasoo loogu soo casuumay si ay arragti iyo aqoonba ugu biiriyaan Siyaasaddan iyo xeerkan  oo curintooda iyo diyaarintooda iyo isku duba-ridkooda ay dedaal badan gelisay wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha dalku, isla markaana falanqeyntooda ay ka qaybgaleyaashu midba maalin ku qaateen.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilahi Cabdirahman Aare, oo hadal ka jeediyey munaasibada lagu soo xidhay shirkaasi, ayaa ugu horayn u mahad celiyey ka qaybgaleyaasha labada maalmood ee uu socday ka qaybqaadanayey  dood-wadaagga iyo falanqeynta xeerka iyo siyaasadda bandhigooda la mataaneeyey.

Wasiirka,  ayaa  sababaha xeerkan iyo siyaasadda loogu mataaneeyey lafo-gurkooda madashan ku tilmaamay in ay jiraan daneeyayaal badan oo doonaya inay maalgashi ka samaystaan dalka, sidaasi awgeed ay wasaarad ahaan culays dheeraad ah geliyeen sidii ay mar u wada dhaqaaqi lahaayeen labada mashruuc ee siyaasadda iyo Xeerku.

“maalgashiga marka laga hadlayo, nidaamka wax wada-lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsatadu waa ka ugu saamaynta badan dhaqaajin dhaqaalaha, markaa sidaasaddan iyo xeerkan maanta aynu u joogno inaynu lafo-gurno oo aynu qodaxda ka gurnaa waxay inoo sahlayaan inuu inoo samaysmo qaybta maalgashi ee loo wada leeyahay dawlad iyo ganacsiga gaarka, wuxuu inoo sahlayaa inay is-aaminaadi timaado oo ay dawladda iyo dadkii adeegga loo qabanayey is aaminaan, mashruucani wuxuu samaynayaa kalsooni”ayuu yidhi Wasiirku.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi ku daray in wakhti iyo dedaal badan la geliyey in mashruucani halkan  soo gaadhay, sidoo kale waxa uu xusay in fikirka iyo aara’da wakiillada laamaha dawladdu gacan weyn ka geysan doono dhamaystirka qabyo-qoraalka.

“Meelaha ugu waaweyn ee uu sameeyo ganacsiga ay wadaaga ku yihiin  dawladda iyo ganacsatadu waxa kamida tamarta oo aynu ognahay qaylada ka taagan dalkeena maanta, Isgaadhsiinta, Caafimaadka iyo waxbarashada, markaa si aynu maalgashi ugu helno ilahaasi oo dhan waa in ay jiraan xeerkan iyo siyaasadda lagu hagayaa”ayuu raaciyey Wasiir Aare.

“arrinta ugu muhiimsan ee kulankani daarranaa waxa weeye in aan arragno afkaar kala duwan, in hay’add walba oo kamida laamaha dawladdu ay aragto qabyo-qoraalka, wixii ay ku darayaana soo gudbiyaan, markaa waxaan rajjeynayaa wixii aad soo jeediseen iyo wixii aad ku darteenba ay ku soo bixi doonto nuqulka u dambeeya ee qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo Xeerka”ayuu yidhi wasiirku.

Halkan ka Daawo Muuqaal: