Ex-Wasiir Garas: Shilalka gaadiidka waxa sabab u ah haddii la baadho waddo-xumo ama darawal-xumo..”

Wasiir u dawlihii hore ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu xilka kula wareegay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ayaa sheegay inay gaadiidku halis badan ku yihiin nololsha bulshada Somaliland.

Mudane Yuusuf Cismaan Garas oo ilaa shan wasaaraddood xilal wasiir ku-xigeen iyo wasiir u dawle ka soo qabtay, ayaa tilmaamay inay shaqo culus oo ay ugu muhiimsan tahay wax ka qabashada shilalka gaadiidku u taallo Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka “sababta ugu badan ee shilalka gaadiidku inoogu badan yihiin waa laba mid uun waddo xumo iyo darawal-xumo”ayuu sheegay isagoo dardaaran ugu jeediyey masuuliyiinta wasaaraddaasi inay xoogga saaraan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaasi.

Wasiir Garas oo waxa kale oo uu ka waramay wada-shaqayntii iyo shakhsiyadii agaasimihii hore ee wasaaraddaasi.

Halkan ka Daawo Muuqaal: