Somaliland: afar kun oo Xujay ah oo ka baaqanaya gudashada waajibaadka Xajka

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay xujjaydii sanadkan tegi lahayd Xajku ka baaqanayaan, kaddib markii dawladda Soomaaliya siyaasaddaysay saamigii xujjayda ee Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Cabdirisaaq Albaani, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda wax xujjay ahi gudaha Somaliland uga diyaar-garoobin Xajka, sababtana ay leedahay Soomaaliya oo qoondo aan munaasib ahayn siisay.

Hore ayey xukuumadda Somaliland u sheegtay inay soomaaliya musuqmaasuqday tirada xujjayda dawladda Sucuudigu ogolaatay inay ka yimaadaan dalkii laysku odhan jiray Somaliya.

Shirkadda duulimaadyada iyo xukuumadda ayaa hore u diidday qoondada saddexda boqol ah, waxaanay go’aan midaysan ku sheegeen in aanay wax xujaaj ah qaadayn, haddii aan wax iska bedelin qoondada yar ee aanay u qalmin.

Sh. Albaani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa cadeeyey in aanay reer tegi doonin xajka, waxaanu baaq u diray dawladda Boqortooyada Sucuudiga.

Halkan ka Daawo Muuqaal: