Qaadleyaasha Somaliland miyey is-kashifeen, mise waa la khalad fahmay?

Qaadku waa mid lagu kala aragti duwan yahay Somaliland ka ganacsigiisa iyo cunistiisaba, waxaanu dadka qaar ugu jiraan ama ay aaminsan yihiin inuu kamid yahay quutal-daruuriga, halka kuwo kale ay qabaan in cunistiisa iyo ka ganacsigiisuba ay xaaraan yihiin.

Sidaasoo ay tahay tobanaankii sannadood ee u dambeeyey waxa dalka Itoobiya looga soo dhoofinayey Kumanaan Tan oo jaad ah, manuu lahayn wakhti cayiman oo uu dalka soo galo iyo qaab qorsheysan oo lagu maamulo soo gelitaankiisa.
hadh iyo habeenba gaadhiga Jaadka sidaa wuxuu magaalooyinka ku soo gala dhawaqa hoonka iyo xawaare halis ah.
Asal ahaanba Qaadka waxa laysku raacsan yahay oo loo aqoonsanyahay inuu yahay maandooriye khatar ku ah caafimadka, nololsha, dhaqaalaha iyo dhaqanka Bulshada.
Tani waa sababta ay inta badan dadka dareensan dhibaatadiisu uga digaan bulshada isticmaalkiisa,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa marar badan ka hadlay dhibaatooyinka uu dalka iyo dadkaba ku hayo.
Haddaba, iyadoo uu jaadku dhibaatooyinka aynu xusnay ku hayo Umadda Somaliland, ayaa waxa shalay oo ay taariikhdu tahay 26 June Magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay xubno sheegtay inay yihiin masuuliyiinta Shirkaddaha Jaadka soo dejiya, kuwaasoo ka dhawaajiyey inay joojinayaan qaadkii ay ka keenayeen dalka Itoobiya, taas bedelkeedana ay u aroorayaan wadamo kale oo Qaadka laga beero, sida Kenya iyo Yemen.
Xubnahan ayaa hadalkooda laga dhadhansanayey inay Itoobiya isku qabteen arrimo dhaqaale, isla markaan ay ka arki waayeen dantooda, iyagoo dhinaca kale kashifay xaddiga dhaqaalaha ay sida maalinlaha ah uga saaraan waddanka iyo in aanay waxba ku soo celin.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eeggo doodda ka soo yeedhay Jaadleyaashan ka ganacsada maandooriyaha, duruufaha uu gaadhsiiyey jaadku dadka reer Somaliland iyo dariiqyada ay hadda doonayaan inay qardo-jeexaan si ay u soo furaan suuq cusub oo ganacsi, dhamaan qodobadani waa kuwo ina tusinaya inay kooxdani ku mabtay dhiigga iyo Dhaqaalaha Umaddan la tabaalaysan xaaladaha kala duwan ee ku gedaaman, sida sixir-bararka saameeyey Maceeshada daruuriga ah, Shidaalka iyo qaybaha kala duwan ee nololsha, taasoo aanay iyaguna dhankooda waxba uga jixin jixin sixirka ay ku iibiyaan darooggadan oo bilihii u dambeeyey qaali ahaa.
Hadalka xubnahan jaadleyaasha ayaa fashilay khiyaamooyin iyo sicir-barar dhiig-miirasho ah oo ay dalka ku hayeen, kaddib markii ay iyagu afkooda ka sheegeen qiimaha ay soo siistaan Kiilooga jaadka ah iyo kan ay dalka kaga Iibiyaan.
Dadka dhaqaalaha taxliilliya ayaa aaminsan inay qayb ka ahaayeen sicir-bararka, sida uu sheegay dhaqaaleyahan Axmed oo sidan ku qoray Boggiisa Facebook “Wuxuu yidhi Jaadka waxa kiilooga aanu halkii kilogram ku soo iibsanaa 2 dollar oo u dhiganta 16800 shillings, waxayna ku iibiyaan 240000 oo u dhiganta 28.6 dollars. Ku dar hal dollar oo cashuurta ah Iyo hal dollar oo transportation ama gaadhigu ku soo qaado?
10 kg ee bariiska ah waxaa Dubai laga soo siiyaa 4 dollars, halkana waa 16 dollar markii iigu dambaysay
Miyaan la gaadhin xiligii qiimaha maceeshada ay jari lahayd wasaarada ganacsigu?
Muwaadin kale ayaa isna ku dareen celiyey “absolutely, way is fashileen……dhiigmirato.com……meeliba ummada uma fayooba……axmaqiin no1…”
Sidoo kale, warkan ka soo baxay Jaadleyaasha shalay hadlay, waa mid ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo dhaqankaba, maadaama ay tahay madnuuc in baddeecadaha noociisa ah laga xayeysiiyo Warbaahinta.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland ayaa waxa waajib ku ah inay faro-gelin toos ah ku samayso ganacsiga Jaadka, si ay u xakamayso dhibaatooyinka dhaqaale, caafimaad iyo dhaqan ee uu umadda ku hayo, waxaana muhiim ah inay wakhti xaadirkan dawladdu talaabo deg deg ah qaado, si lamida xukuumadda Itoobiya oo ah cida ay ka cabanayaan raggan hadlay.
Talaabooyinka u banaan xukuumadda waxa kamida inay maamulka Itoobiya toos ugala xaajooto qaadka dalkeedu u soo dhoofiyo Somaliland, islamarkaana isla jaan-gooyaan qiimaha Iibka iyo nidaamka cashuureed labada dal ka qaadayaan.
Inay gabi ahaanba joojiso soo gelitaankiisa dalka, maadaama uu dhaqaale burbur ku keenayo waddanka.