Hargeysa oo lagu soo bandhigay Buug laga qoray hogaamiyihii guusha Halgankii SNM

Buuggan laga qoray taariikh nololleedkii Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur, ayaa lagu soo bandhigay madal kulmisay siyaasiyiin tiro badan.

Buuggan waxa ku duugan dhamaan taariikhdii marxuumka, waxaana qoray wiil Dhalinyaro ah.

Tuur ayaa noqday madaxweynihii JSL sanadkii 1991, kaddib markii ay waddanka gacanta ku dhigeen jabhadii uu hogaaminayey ee SNM.