4 arrin oo Sharma Boy uu uga duwan yahay fannaaniinta kale

Fannaanka da‘da yar ee lagu magacaabo Sharmarke Abdinasir Mohamed, oo loo garan og yahay “Sharma Boy” ayaa maalmihii lasoo si wayn loo hadal hayay kaddib markii uu booqasho ku tagay Mareykanka, halkaas oo uu bandhigyo ku samayn doono.

Muddo hal bil ah oo uu Sharma Boy ku sugnaan doono Mareykanka ayaa laga filayaa in uu labo bandhig ku qabto magaalada Minneapolis ee ku taalla gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota.

Fannaankan oo heesihiisa la arkay qiyaastii saddex sano ka hor ayaa horumar deg deg ah sameeyay.

Waxa uu ayaa marar badan qabsaday hadal haynta baraha bulshada iyo warbaahinta, isagoo u muuqda inuu waxyaabo badan uga duwan yahay dhallinyarada kale ee fanka Soomaalida.

Halkan waxaan ku eegeynaa ilaa afar arrin oo Sharma Boy uu gaar la yahay marka lala barbar dhigo bulsho waynta kale ee fanka.
‘Murti waa raab’

Sharma Boy ma aha fannaankii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo qaada heesaha caanka ka ah dunida ee loo yaqaanno “Raab-ka”, balse waxaa cad in uu muusigiisa ku saleeyay heesaha noocaas ah, muddo aad u gaaban gudaheedna uu kusoo shaac baxay.

Wareysi uu goor sii horraysay siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uusan taageero u haynin heesaha caadiga ah ee Soomaalida horay loogu yaqaannay, balse uu “murti u yaqaanno raabka”.

“Wixii uu qofka fahmi karo, aniga murti baan u aqaanaa. Maanta Raabka iyo heesaha caadiga ah, waxaan murti u aqaanaa raabka”, ayuu yiri.

“Noloshii hore way ka duwan tahay nolosha hadda, adduunkii horena wuu ka duwan yahay sida uu adduunka hadda yahay, dalkeennana wuu ka duwan yahay sidii uu horay u ahaan jiray, sidaas awgeed wax walba sida ay isu baddaleen ayuu fankiina isu baddalay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Waa fikir uu Sharma Boy uga duwan yahay dhammaan fannaaniinta kale oo badankood isku dhex lifaaqa heesahooda.

Dhallinyarada kale ee fanka ku jira qaarkood waxay xitaa raad raacaan heesihii fannaaniintii hore oo ay dib ugu soo luuqeeyaan.
Heeso isdaba joog ah

Mid ka mid ah sababaha ay dad badan ugu xiran yihiin fanka Sharma Boy waxaa lagu tilmaamaa heesaha uu soo qaado oo aad mooddo inay isdaba joog yihiin.

In muddo ah, dhowrkii isbuucba hal mar waxaa soo if baxa hees cusub oo uu soo qaaday Sharma, taasoo loo sababeynayo sida ay u sahlan yihiin noocyada heesaha uu xusho.

Waxa uu mar walba heesihiisa saldhig uga dhigaa eray suuqeedka iyo hadal haynta dhallinyarada ee markaas taagan, sida uu BBC-da u sheegay.

Sidoo kale, dhawaan ayuu Sharma baraha bulshada ku sheegay in “mar uu la joogay dhallinyaro ajaanib ah ay ku xujaysteen inuu qaado raab, balse ay kedis ku noqotay.

Isagoo sharraxaya sida uu xujadaas uga baxsaday ayuu yiri: “Raabka tooska ah ee la isku xujeysto ayaa meesha lala yimid, anigana waxba iima diyaarsanayn.

“Waan dareemay in nin walba uu wax soo xifdiyay marka aan arkay sida ay wax u aqrinayaan. Waan isdejiyay, waan u fikiray. Waxaan ku badbaaday, maadaama aysan iyagu luuqaddeenna garanayn inaan Raab ka dhigto “BTJXKHD…”

Waxaan meesha ka marnayn in uu hibo u leeyahay alifitaanka erayada iyo laxanka uu ku laro heesihiisa.

Waxa uu kusoo aaday xilli dhallinyarada baraha bulshada ay si wayn u isticmaalaan Shabakadda TikTok oo sannadihii dambe noqotay mid si fudud loogu faafiyo mowduucyada la hadal hayo.
Abaalmarin Caalami ah

Si ka duwan fannaaniinta soo baxaya ee Soomaaliya, Sharma waxa uu isagoo muddo gaaban fanka ku jira ku guulaystay abaal marin uu kula tartamay fannaaniin kale oo caalami ah.

Sanadkii 2021-kii ayuu hantay abaalmarinta xiddigaha fanka ee lagu magacaabo “African Entertainment Awards USA”(Billadaha Madadaalada Afrika ee Mareykanka) oo sidoo kale loo soo gaabiyo AEAUSA.

Munaasabadda lagu bixinayay billaddaas ayaa lagu qabtay gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.
Dad badan ayuu uga yaabsaday Sharma in uu abaalmarintaas ku guulaystay isagoo ku sugan Soomaaliya, halka fannaaniinta kale ee la loollamaysay qaarkood ay saldhig ku lahaayeen Mareykanka.

11 fannaan oo la loollamay Sharma Boy ayaa kala ahaa:

Nikita Chepchumba Kering, oo caan ku ah

Nikita Kering, oo u dhalatay dalka Kenya.

Trio Mio, oo ah fannaan u dhashay Kenya.

Mimi Mars, oo u dhalatay dalka Tanzania.

Halima Bah, oo u dhalatay dalka Senegal.

Leil, oo u dhalatay MoroccoKobazzie, oo u dhashay Liberia.

Swabbii, oo fadhigiisu yahay Yurub.

JRhyma, oo kasoo jeeda Nigeria balse fadhigiisu yahay Mareykanka.

Tribe Mark, oo ah Mareykanka Madow kana soo jeeda gobolka New Jersey.

Annalie Prime, oo u dhalatay jasiiradda Trinidad and Tobago

Susan Emike Ekwe, oo ku magac dheer Harmonee, oo u dhalatay Nigeria.
Zambia

Arrin kale oo Sharma Boy uu ku noqday mid uu fannaaniinta kale uga duwan ayahay ayaa lagu tilmaamay in uu fankiisa kusii dhisay waddanka Zambia oo uu in muddo ah ku sugnaa.
Waxaa horay loo yaqaannay in fannaaniinta Soomaalida ee aan dalkooda hooyo joogin ay saldhig ka dhigtaan waddamada geeska Afrika, sida Kenya, Uganda iyo Itoobiya.

Waxaa intaas u sii dheereyd Sharma Boy in uu heeso lasoo qaaday fannaaniin reer Zambiya ah. Heestiisa wali kasii guuxaysa dhagaha dadka fanka saaxiibka la ah ee la magac baxday “Ma soconnaa” ayuu la qaaday fannaanka u dhashay Zambia ee Rock Geezy Ziggy, kaasoo ka tirsan kooxda “Dope Boys “.

Hadda waxa la dhowraba waa in uu qabsoomo bandhigga ugu horreeya ee Sharma uu ku qabanayo Minneapolis, oo diyaar garowgiisa laga dareemayo baraha bulshada.