Somaliland: May lumin ee way joogtaa Xornimadii 26 June 1960!

Qore. Saleeban Kalshaale

Maalinta gobanimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 26 June, waa mid kamida munaasibadaha qiimaha weyn ee sanad walba looga dabaal-deggo dalka, waxaanay sumad u tahay madaxbanaanida qarannimo ee 62-kii sannadood ee la soo dhaafay soo martay marxaladaha macaanka iyo qadhaadhka lahaa, laga soo bilaabo 1960 oo ahayd markii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay Hargeysa ilaa maanta oo tirsiga marayo 2022.

Munaasibadan oo sida caadiga ah sanad walba laga xuso dalka,kuna beegan yahay xuskeeda sanadkani maalinta Axadda ee todobaadkan, lehna sooyaal taariikheed oo u gaar ah, isuguna jira halgan, hayaan siyaasaddeed iyo hadaf umaddeed oo guulaystay, si lamida dhibcaha xusuusseed ee maalinta qaranimada ee 18 May oo ku suntan dib-ula-soo-noqoshadii xornimada/gobanimada jamhuuriyadda Somaliland, ayeynu akhristeyaal qormadan isku xusuusin doonaa sidii ay ku timi iyo sidii uu gumaystuhu ku yimi dhulka Somaliland ee kamid ahaa dalalka uu maamulayey dabayaaqadii qarnigii 18-aad ilaa badhtamihii qarnigii 19-aad.

Haddaba, Kaddib, socdaallo galaangal iyo sahan ah oo soo noqnoqday oo ay khubarro ka socda Dalka Ingiriisku dhulka Somaliland ku yimaadeen, iyagoo doonaya inay xidhiidh la sameeyaan bulshada ku dhaqan degelkan, sanadkii 1887-kii ayuu heshiiskii ugu horeeyey ee rasmi ahi dhex maray Dawladda Ingiriiska iyo Odayaashii Somaliland ee xilligaasi Shacbiga hogaaminayey.

Heshiiskaasi oo ahaa Albaabkii sida rasmiga ah ugu ogolaaday Maxbiyada Ingiriiska inay maamusho dhulka Somaliland, loona yaqaano heshiiskii hargaha ama Saanta oo ka koobnaa ilaa shan qodob, kaasoo ay qodobadiisa kamid ahaayeen:

in joogitaanka maamulka Ingiriisku uu noqdo mid aan waxba u dhimaynin, wax ka bedelaynin, ku-xad-gudbaynin, faro-gelin ku samaynaynin, Dhulka, Diinta iyo Dhaqanka Bulshada Somaliland.

in Maraakiibta Ganacsiga ee Ingiriisku ay ka ganacsan karaan Xeebaha Somaliland.

in aanay Dawladda Ingiriisku heshiis la geli karin dal kale oo ay wax ka wadaajinayso danaha ay Somaliland ka leedahay.

in aan xeebaha Somaliland la soo marin karin daabulka dadk Adoonsiga loo wado

iyo ugu dambeyn inay Boqortooyada Ingiriisku Wakiil u soo magacaaban karto Somaliland, Wakiilkaasoo loolla dhaqmi doono si xushmad leh.

sidoo kale heshiiskaasi wuxuu xaddidayey is-dhexgalka iyo isku-milanka Shacbiga Somaliland iyo dadka Ingiriisku keensanayo Dalka.

Heshiiskan oo ahaa mid taariikhi ah, muujinayana mabda’ adayga iyo foojignaanta Bulshada Somaliland, isla markaana dabar u ahaa inuu gumaystuhu ku takri-falo amma uu sida uu doono ka yeello dadka iyo Dalka Somaliland, ayaa ku suntan heshiiskii u horeeyey ee noociisu ka dhaco gobolka ee ay dad Soomaaliyeed la galaan mid kamida saddexdii Dawladdood ee qaybsaday Dhulka Soomaalidu degto, taasoo aanay Soomaalidii kale ee degenayd Soomaaliya iyo Djibouti la gelin Faransiiska iyo Talyaaniga oo iyagu si dhab ah u gumaystay labadaas dal.

Geesta kale, Inkasta oo ay Odayaashii reer Somaliland Heshiiskan naadirka ah la galeen Maamulka Ingiriiska, iyagoo uga dan lahaa inuu xakame u noqdo danaha laba geesoodka ah, haddana waxa xaqiiqo kale oo jirtay ahayd in aanay Dadka caadiga ahi  ku faraxsanayn amma aanay soo dhaweynin  imaanshiyaha gumaystaha reer Yurub ilaa la gaadhay wakhti yar kaddib uu bilaabmay isa-seeg ku dhex qarxay Maxbiyadda iyo shacbiga, isla markaana uu bilaabmay dhaqdhaqaaq xornimo-doon oo gilgilay heshiiskaas.

Wakhtiga uu dhaqdhaqaaqa xornimo-doonku bilaabmay, waxa uu ku beegnaa laba sannadood uun kaddib markii Heshiiska Saamuhu dhacay, waxaase ka horeeyey xilli ay dadka reer Somaliland u nuglaadeen maamulka Ingiriiska, kaasoo ku beegnaa millaygii qaybsiga Qaarada Afrika oo ay Somaliland ku jirtay 1884-kii, markaasoo sida taariikhda ku cad uu guluf ku soo qaaday Ingiriisku dhulka Somaliland, isagoo cadaadis saaray Shacabka, kuna khasbay inay Dawladda u shaqeeyaan, hase yeeshee taasi ma noqon xaalad sii raagtay, waxaana bedelay Heshiiska ku taariikhaysan 1887-kii ee Saamaha.

Diidmadii Maxbiyada Ingiriiska ee Dadka reer Somaliland, waxa ay soo dedejisay bilowga halgankii lagaga soo horjeeday. sanadkii 1899-kii oo ku beegnayd laba sanno kaddib heshiiskii Odayaasha Somaliland iyo Ingiriiska, waxa bilaabmay dhaqdhaqaaq xornimo-doon oo waji-gabax iyo laf-dhuun gashay ku noqday Boqortooyada Biritan.

Tani waxa ay ahayd waji kale oo u furmay yuhuuntii iyo dareenkii Bulshada Somaliland. waxa uu ahaa Waa cusub oo ay bilashadiisu abuurtay halgan iyo hayaan hor leh oo ay ku gedaamnaayeen caqabado kala duwan iyo quwad ka turuq iyo xeellad badnayd oo ah Dawladii Ingiriiska, waxaana hubaal noqotay in si kasta oo loo kala tamar badnaa haddana laysugu babac dhigay guluf colaadeed Kac iyo kici maayo ahayd, kaasoo dhex maray xoogaggii Daraawiishta ee uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Ciidamadii Ingiriiska.

Marka laga yimaado, Hogaamiyihii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan, Mujaahidiintii reer Somaliland ee halganka xornimo-doonka calanka u qaaday waxa kamid ahaa Sheikh Bashiir, Faarax Omaar iyo Halgameyaal kale oo isugu jiray Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Abwaanno iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Sanadkii 1921-kii ayey Milaterigii Ingiriisku ka itaal roonaadeen Xooggaggii Sayidka, mase ahayn taasi dhamaadkii dhaqdhaqaaqa Halganka oo ahaa mid wakhtigaasi si weyn uga hirgalay Dhulka Somaliland oo dhan, iyadoo uu sii xogaystay dhamaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka.

Dhaqdhaqaaqa xornimo-doonku wuxuu ahaa mid loo isticmaalayey wax kasta oo lagula dagaalami karo Dawladdii quwad lahayd ee Ingiriiska. waxa loo adeegsaday Af iyo Addin hadba kii macquul ah, iyadoo uu taa cakiskeeda Ingiriisku sameeyey wax kasta oo uu ku baajin karo awoodda shacab ee gadoodsan. waxyaabaha uu adeegsaday waxa kamid ahayd inuu kala qaybiyo Bulshada, inuu qabaa’ilka qaar heshiisyo gaar ula galo iyo inuu sameeyo hogaamiyeyaal maamulkiisa ka mushahar qaata oo dadka manjaro-habaabiya amma si uun u doc-wareema xarakaadka xornimo-doonka.

Si kasta oo uu xeeladdo u isticmaalay Ingiriisku, isku-day kasta oo uu sameeyey si uu wakhti dheer u sii haysto Somaliland iyo ficil kasta oo ay sameeyeen kooxihii gobanimo-doonka Somaliland, Bishii May ee sanadkii 1960-kii ayaa waxa uu Xoghayihii Dawladda Ingiriiska u qaabilsanaa Maxbiyadda Somaliland Ey Macline ku dhawaaqay inay Dawladdiisu xornimada siin doonto Somaliland.

Dhawaaqaasi wuxuu ahaa mid markii dhegaha Bulshada Somaliland uu soo gaadhay niyad-wanaag iyo farxad lagu soo dhaweeyey, waxaanu soo baxay maalmo ay kulamo uga socdeen Magaalada London Madaxda Dawladda Ingiriiska iyo Wefti ka socday Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, 26-kii june 1960-kii ayey dhashay dhiishii xornimadu. waxa magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland laga taagay calankii u horeeyey ee Dhul Soomaaliyeed laga qotomiyo. waxaanay ahayd wakhti aan wadamada Afrika badankoodu xoriyad helin.

Munaasibad si weyn loo diyaariyey oo dadka magaalada ku noolaa badankiisu u soo  baxay ayaa lagu qabtay goor galab barxad ku taallay halka uu iminka ka dhisan yahay Masaajidka Ibraahim Dheere. halkaasi ayaa saacaddo loogu dabaal-degay guusha xornimada, waxaana lagu dejiyey calankii Ingiriiska, iyadoo uu gacantiisa ku dejiyey Nin la odhan jiray Karral oo ka socday Dawladda Biritan, kaasoo inta uu saddex jeer ka talaabsaday markuu dejiyey, inta uu laalaabay isagoo ilmaynaya kilankilada gashaday.

Halkaasi waxa suugaan kala duwan oo ay ugu dabaal-degayaan xornimada la helay ku soo bandhigay suugaanyahannadii xilligaasi calanka u siday fanka, kuwaasoo uu kamid ahaa Alle ha naxariistee Cabdilaahi Suldaan Timo cade oo tiriyey geeraarkiisa caanka ah ee kana-siib kana saar (Dhaxal).

Abaaro 12:01 habeennimo ee isla maalintaasi ayaa calankii Somaliland lagu saaray munaasibad balaadhan oo lagu qabtay goobta ay hadda ku taallo xarunta Hay’adda  Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa nawaaxiga beerta Xoriyada, iyadoo xafladii weynayd ee damaashaadkana lagu qabtay beerta Xoriyadda oo markii hore xero u ahayd Fardaha Gaalada.

Alle ha naxariistee Abwaan Saxar-diid Maxamuud  Jabiye oo kamid ahaa bahdii Suugaanta ee habeenkaasi ilaa maalinimadii dabaal-dega hogaaminayey Maaweeladda iyo baraarujinta shacabka, ayaa ku tilmaamay dharaartaasi mid bulshada Somaliland u siday laba marxaladood oo kala duwan, hase yeeshee isagoo dareenkiisa gaarka ah cabiraya waxa uu yidhi “waxay ahayd maalintii iigu farxada badnayd iyo maalintii iigu muruggada badnayd. waxay ahayd maalintii iigu farxada badnayd oo waxaanu ka soo baxnay mugdi gunnimo ah, waxaanan u soo baxnay duni iftiin ah oo waxaynu ka soo baxnay mugdigii gumaysiga”ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey “farxadii iyo reynreyntii maalintaasi way u eegtahay maanta. waxaynu haysanaa nabad, calan, dawladnimo iyo horumar”ayuu ku sheegay waraysi uu bixiyey 2017-kii oo uu nolol ku soo gaadhay “dareenka dadka ee waddaniyadu waa mid maalintii 26 june u eeg”ayuu ku daray.

Waaggaa beryay 26 June 1960-kii, maalmaha cusub ee u bilaabmay reer Somaliland, cadceeda ka soo baxday geeska Afrika,  waxa jiidanayey oo  ka xoog iyo xiiso badnaa wakhtigaas  dabeyshii raadinta shanta Soomaaliweyn ee sababay in maalmo kaddib madaxdii hogaaminaysay Dawladda Somaliland qorshaheeda iyo gole geynteeda u socdaaleen Xamar oo uu ka socday xifaaltan siyaasaddeed, isla markaana kowdii jully 1960-kii loo wanqalo israacii aan la mahadin ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo isaguna soo gabagaboobbay 18 bishii may sanadkii 1991-kii markii Burco lagu daah-furay dib-ula-soo-noqoshadii xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.