Kursigii Fahad Yaasiin miyaa lagu noqonayaa Doorashadiisa, Guddoomiye Aadan Madoobe muxuu ka yidhi?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida laga yeelayo kursiga HOP#086 ee uu horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin, balse la hakiyey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in kursigan go’aan looga gaari doono kalfadhiga hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo.

“Haddii Ilaah yiraahdo kalfadhigan hadda socdo waa iclaamin doonaa si loo soo buuxiyo arrin dastuuri ah waaye,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar labaad lagu celin doono doorashada kursigan, isla-markaana loo mari doono qaab sharci ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koley waxaan sameyn doonaa doorasho sharcigeeda dhammeystiran yahay-baa loo iclaamin doonaa, doorasho in lagu celiyo waayey,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kursiga uu banneeyey xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay hay’adda NISA, wuxuuna sheegay in si dastuuriyan ah uu bannaanaaday, isla-markaana isagana la qaban doono doorashadiisa, si loo buuxiyo xubnimada kursigaasi.
“Weli waxaa jira kursi kale oo bannaanaaday dastuurkeena waxa uu qabaa xildhibaanka, haddii uu ogolaado ama loo dhaariyo xil aan wasiir aheyn xildhibaanimadiisii waa weynayaa. Xildhibaan aad muhiim u ahaa oo haddane shaqo muhiim ah loo magacaabay oo la yiraahdo Mahad Salaad kursigiisii dastuuriyan ayuu u bannaanaaday,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada horey guddiga doorashooyinka dadban ee la kala diray ay u hakiyeen natiijada kursiga Fahad oo xiisad xoogan abuuray, balse ugu dambeyn ka haray doorashooyinkii ka dhacay dalka gaar ahaan middii madaxweynaha ee 15-kii May.