Guddida Heer Qaran Ee Suuqa Waahee oo Madaxweynaha Usoo Bandhigay Nashqada Cusub Ee Suuqa Waaheen

Hargeisa(GNA)-Guddida Heer Qaran Ee Suuqa Waahee Ee Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Umagacaabay Naqshadeynta Suuqa Ayaa Madaxweynaha Usoo Bandhigay Nashqada Cusub Ee Suuqa Waaheen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta warbiximo ka dhegeystay guddida heer qaran ee suuqa waaheen oo ay wehelinayaan Farsamayaqaanada dhismaha suuqa waaheen iyo shirkada ku guulaysatay dhismaha suuqaasi.
Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida heer qaran ee suuqa waaheen, ahna wasiirka diinta iyo aw-qaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Jamaal Caydiid Ibraahim, gudoomiyaha guddi hoosaadka Ganacsatada, Dr. Farxaan Liiban, Guddoomiyaha guddida Farsamada dhismaha suuqa waaheen, Arch. Maxamud Cabdi Cilmi (Geedi) iyo laba farsamo-yaqaan oo ku hadlayey afka shirkada ku guulaysatay oo la yidhaahdo MURTADA MAAZ/SEMA COMPANY lagana leeyahay dalka Suudaan, Eng. Maxamud Maxamed Cismaan iyo Eng. Mohamed Hassan Khalifa oo iyagu si gaara u xusay masuuliyadda culus ee fuushay iyo waxa laga rabo inay siday tahay uga soo baxaan, halka masuuliyiinta kale ay iyaguna iska daba mareen muhiimada dib u dhiska suuqa waaheen u leeyahay dalka iyo dadka loona heli lahaa shirkad caalamiya oo ka soo bixi karta dhismahaasi, halkaasina ay ku soo bandhigeen nashqada cusub ee uu yeelan doono suuqaasi.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey Maraaxishii kala duwanaa ee Naqshadan soo martay, wuxuu bogaadiyey Injineeradii Gudida Heer Qaran uu Umagacaabay, Maantana Naqshadda soo bandhigay, isagoo Guul ka rajeeyey in ka Wasaaradda ahaan ilaalin doonaan Tayadda Dhismahaa Cusub Ee Maanta Naqshadiisa lasoo bandhigay.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha Qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxa looga fadhiyo guddida heer qaran iyo shirkada ku guulaysatay dhismaha suuqa waaheen inay tahay mid culayskeeda leh, waxaanu yidhi Madaxweynuhu โ€œArrintii suuqa waaheen oo maraysa meel aad u fiican, dadka wixii loo helayeyna la gaadhsiiyey, kuwii kalena la gaadhsiin doono dhawaan, hadana aynu marayno in aynu bilowno qandaraaskii dhismaha suuqa waaheen, waxaan qabaa inay tahay waxa Alle loogu mahadiyo, tusaale wanaagsan ayuu u noqonayaa dhibaatadii suuqa waaheen ka dhacday, sida marka la isu tashado wax loo wada qabsan karo ee looga hortegi karo dhibaatooyinka jiraโ€.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka geystay arrinta suuqa waaheen iyo guddiyadii isu tegay ee arrintaasi dhabarka u ritay.