DIMUQRAADIYADDA IYO QABYAALADU: WAA LABA AAN IS QABAN KARIN!

W/Q: Xuseen Aadan Cige (Deyr):

Hannaankii dimuqraadiyada ee ay Jam. Somaliland ambaqaaday muddo ah labaatan sano ka hor, waxa haatan ka muuqda dayac iyo dib-u-dhac baahsan. Ujeedada ugu muhiimsan ee aynu u samaysanay Xisbiyada Siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah waxay ahayd in aynu kaga baxno qabyaaladda iyo in ay bulshadeenu ka xoroobaan in la isku doorto reernimo iyo qabiil.

Labaatan sano kadib, nasiib darro waxa muuqato in nidaamkii dimuqraadiyada iyo xisbiyada badani ay ka leexdeen ujeedadii laga lahaa. Waxa muuqata in ay isku milmeen nidaamka dimuqraadiyada iyo kii qabiilku, taasina waxay keentay in uu hoos u dhaco dareen wadareedkii ummadnimo ee midayn lahaa bulsho isku dan ah.

Xisbiyada Siyaasaddu, halkii ay dhiirri gelin lahaayeen afkaarta xorta ah ee codbixiyeyaasha iyo geedi-socodka curdinka ah ee hannaanka Dimuqraadiyada, waxa muuqata in ay sii kobciyeen qabyaaladii, bulshadii Somaliland-na ay u kala qaybiyeen reero iska soo horjeeda.

Nasiib darro Siyaasiyiinta Somaliland ee haatan joogaa ma laha aragti iyo hadaf ka durugsan KURSIGA u muuqda ee uu mid walba doonayo in uu markiisa ku fadhiisto.

Way adag tahay in aad aragto nin Siyaasi ah oo damac leh oo ay Qarannimadu u tahay halbeega rasmiga ah ee uu ku hagayo bulshadiisa. Raga maanta bulshada hor boodaya, mid walba qabiilka iyo reernimada ayaa u ah min-qiyaaska ugu dambeeya ee uu ku go’aan qaato.

Guud ahaannba Siyaasiyiinta Somaliland waxa ka maqan bisaylkii iyo aragtidii siyaasadeed ee Qaran lagu dhisi lahaa, bulsho kala qaybsana lagu midayn lahaa.

Siyaasiyiinta damaca leh ee ay haatan hadaladooda xanafta lihi ka bateen dhegeha iyo indhaha bulshada; ma jiro mid keliya oo si fudud oo bilaa turxaan ah ummadda Somaliland ugu fasiri kara, tusaale ahaan:

1. Waxa ummad ahaan inoo qabsoomay 31 sano?

2. Waxa inaga qabyoobay?

3. Sidii aynu u dhamaystiran lahayn wixii aynu ka gaabinay 31-kaa sano,

4. Sidii aynu u ilaashan lahayn wixii aynu qabsanay,

5. Hadafka iyo hiigsiga isaga u astaysan iyo halka uu la rabo Qaranka Somaliland.

Siyaasiyiinta IINDHOW-GARADKA ah ee bulshada wareeriyey, ogsoonow iskuma haystaan kooda ummadda u wanaagsan, laakiin waxay isu haystaan dan gaar ah oo ay leeyihiin oo iyaga ka dhaxaysa.

Nasiib darro Bulshadeenu isma weydiiyaan: Yaa inoo dan ah? Yeynu danta ummadeena maanta ku halayn karnaa oo inaga saari kara marxaladahan adag?

Haddaba, bal aynu is weydiinee NIN AAD KU DOORATAY QABYAALAD, SIDEED UGA DOONI KARTAA QARANNIMO??