Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Oo Maanta Dalka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida iyo Wafti uu Hoggaaminayo

Boorama-14-06-2022-(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno kamida Golaha Wasiirada, Xildhibaano masuuliyiin kale ayaa maanta dalka kusoo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane, Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayey oo socdaal kusoo gaadhay Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waftiga Deegaanka kusoo dhaweeyey xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxaanay halkaa uga sii gudbeen Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Bulshada kala duwan ee Gobolkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin oo ka hadlay soo dhaweynta Waftiga lMadaxweynaha Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa Bulshada ku dhaqan Boorama uga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen waftiga sidoo kalena waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiiradda Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare oo iyaguna sheeggay inay waftiga si miisaan leh ugu soo dhaweynayaan Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.
Dhanka kalena Hoggaanka nabadgelyada Deegaanka Soomaalida Mudane, Mubashar Dubadd Raage ayaa Xukuumada Somaliland iyo Shacabka Boorama ugu mahadceliyey soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay ku qaabileen, waxaana uu sheegay in Dawladda Deegaanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhaxeeyo Xidhiidh walaalnimo oo iskaashi kaasi oo ah dhanka Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Horumarka iyo Aqoonta.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane, Mustafe Muxumed Cumar ayaa maalinta beri ah Khudbad ka u jeedin doona Ardayda dhigata Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorama.