”Waxa aan nasiib darro u arkaa Nimankii Xildhibaanada ahaa ee shiitamayay”Garyaqaan Timo

Garyaqaan Maxamed Maxamed Maxamuud Timo ayaa sheegay qabashada Doorashooyinka urrurada siyaasadda Somaliland ay tahay shaqo u taala Koomishanka Doorashooyinka iyo gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada.

Maxamed Maxamuud Timo oo shalay u Waramayay Warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in ay sharci tahay in lix bilood ka hor la furo Ururada Siyaasada,isla,markaana aanay shaqaynan in dood laga keeno.

Maxamed Timo oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Sharciyan hadii laga hadlo sida uu tilmaamayo Xeerka lix bilood ka hor ayaa la furayaa Ururada Siyaasada waanay taagantahay oo oo bishii lixaad xaad ayaa lagu jiraa,dooorashada Madaxtooyadda qabashadeeda waa masuuliyad Madaxweynaha saaran.waxaana aad moodaa in wakhtigu cidhiidhiyahay waxa ay Mucaaradka ku doodayaan Doorasho ta Madaxtooyadda ka horaysaa majirto,laakiin sharci maaha sida loo kala qabanayo Doorashooyinka waa shaqo u taala Gudida Doorashooyinka iyo gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada.waxa taagan furistii Ururada shakina kuma jiro cid ka doodi kar taana majirto oo lix bood hor ayaa la furayaa Ururada Siyaasada,gudidii Diwaangalinta Ururada Siyaasada waala magacaabay

yaanay ila tartamin Ururada Siyaasada sharci maaha mana shaqaynayso.Doorashada Madaxweynaha ee ku beegan bisha Nofember waa in Madaxweynuhu xiligeedii ku qabto,”.

Sidoo kale Garyaqaan Timo ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka ay ka qayb galaan Mudaharaad.Waxaana uu yidhi”Waxa aan nasiib darro u arkaa Nimankii Xildhibaanada ahaa ee shiitamayay Mudaharaadkii Maalintii dhawayd,maaha in Xildhibaankii Xukuumadda kaantaroolayay in uu la Muhadaraado shacabka waayo hay,adihii qaranka ayuu ka mid yahay in uu shacabka la shiitamo maaha.waxaana leeyahay oo fiican Baarlamaanka in waajibaad kooda gutaan.